Intaad madadaalin lahayd dad xilkood gabay, la xisaabtan (WQ: Mukhtaar Xasan Maydhane)

Beri ayaa la isku qabtay hilibka laga findhicisho ma xalaal baa mise waa xaaraan. Muran dheer dabadii ayaa loo tegay sheekh cilmiga lagu tuhmayey si uu u kala saaro. Sheekhii wuxuu ku kala saaray, “Soo hadalqaadkiisaa xaaraan ah.”

Sidoo kale, isku qabsiga caasimaad labaad ayaa xaaraan ah. Garaad abaaday ayaan u arkaa in lagu murmo wax aan jirinba, manfac laga helayaana jirinba.

Reer Boorama iyo reer Burco, gaar ahaan golayaashooda degaanka ee hawada hadalka isku marinayaa, hadday wax isla hayaan, waa car’e, magaalooyinkooda ha nadiifshaan, danyarta iyo agoonta ha sooraan, biyo nadiif ah ha siiyaan, dugsiyo wanaagsan ha dhisaan, adeeg caafimaad oo wanaagsan ha hirgeliyaan, dhalinta shaqo ha u abuuraan…

Libta waxa helaysa Burco marka wiilka iyo gabadha reer Boorama, tusaale ahaan, ka jeclaystaan Burco magaaladoodii ama waxa helaysa Boorama marka wiilka iyo gabadha reer Burco ka jeclaystaan Boorama magaaladoodii. Intase reer Burco difaacayaan magaaladooda ama reer Boorama difaacayaan magaaladooda waxba adeer ma haysaan.

Labada magaalo iyo dalka intiisa badani waxay ka siman yihiin in golayaasha degaanka ay saluugsan yihiin. Saluugaasna in lagu suuxiyo muran caasimad labaad waa waxyeeladii oo weliba cayna laguugu daray. Intaad madadaalin lahayd dad xilkood gabay, la xisaabtan…