Markaad imaam ku dabatukanayso Faataxada miyaad akhrinaysaa?W/Q(Sheekh rakuub)

Suuradda Faataxada akhrinteedu waa tiir ka mid ah tiirarka salaadda, waana waajib in la akhriyo ragcad kasta oo salaadda ka mid ah, sida ay qabaan afarta mad’hab, iyaga oo daliishanaya xadiiska Bukhaari iyo Muslim soosaareen ee nebi Maxamed NNKH, yidhi: “Salaad uma guntamayso qofka aan akhrin faataxada.”

Dooddu waxay tahay qofka ku dabatukanaya imaam isaga miyaa lagu leeyahay in uu akhriyo faataxada mise waxa ka gudaysa akhrinta imaamku akhrinayo? Iswaydiintan waxa sabab u ah addilada arrintan ka hadashay oo mar muujinaysa in la akhrinayo, marna amuusnaan tilmaamaysa iyo kala duwanaanshaha fahan ee saxaabada iyo taabiciinta ee masaladan.

Tusaale ahaan saxaabada iyo taabiciinta qaarkood ayaa laga soo wariyaa in ay qabaan in faataxada salaadaha jahrigaa-quraanka kor loo qaado iyo kuwa sirrigaa-quraanka hoos loo dhigo ay waajib tahay in faataxada qofka imaam ku dabatukanayaa akhriyo, halka qaar kalena laga hayo kuwa sirrigaa hala akhriyo, kuwa jahriga ahna hala aamuso, qaarkoodna waxa laga haya in ay leeyihiin yaan waxba laga daba akhrin imaamka ee aamusnaan halagu dhagaysto.

Madaahiibta fiqigu arrintan way ku kala aragti duwan yihiin Xanafiyada, Maalikiyada iyo Xanaabiladu waxay qabaan in aan la akhrinayn faataxada, dooddooduna waa in imaamku kaga filan yahay qofka ku dabatukanaya akhrinta faataxada. Waxa aanay daliishanayaan aayadda suuradda Acraaf ku jirta ee odhanaysa, “Quraanka marka la akhrinayo u dhagraariciya oo aamusa.”

Arrinkan saxaabada waxa ku tagsan Caa’isha iyo Cabdillaahi ibnu Mascuud, taabiciyiintana Cabdillaahi Ibnu Mubaarak iyo Isxaaq bin Raahawayh.

Shaaficiyadu waxay qabtaa waajib in ay tahay akhrinta faataxadu

salaadaha kor loo qaado, oo aanu imaamku qofka ku dabatukanaya kaga filnaanayn, waxaanay daliishanayaan xadiiska odhanaya: salaad uma guntamayso qofka aan faataxada akhriyin. Mad’habtan arrintan waxa la qaba Bukhaari, Ibnu Xasmi, Shawkaani, halka saxaabaadana Cumar Ibnu Khaddaab, Cubaada Bin Saamit, iyo Cabdillaahi Ibnu Subayr ay qabaan.

Shaaficiyadu salaadaha Quraanka hoos loo dhigayo waxay qabtaa faataxada la akhriyaa in ay waajib tahay, halka Maalikiyada iyo Xanaabiladu leeyihiin faataxada akhrinteedu waa tiirarka salaadda, sidaa daraadeed qofka keligii tukanayaa waa ku waajib in uu akhriyo, haddiise uu imaam ku dabatukanayo waa sunne akhrinteedu.

Kitaabka Majmuuca imaam Nawawi wuxu ku tilmaamay in ay waajib tahay akhrinta faataxadu, salaadaha Quraanka kor loo qaadayo iyo midda hoos loo dhigayaba, sida oo kale imaamka iyo qofka ku dabatukanaya in ay labadoodaba akhrinayaan faataxada.

Xanafiyadu waxay leeyihiin salaadda kor loo qaado akhrinta Quraanka iyo midda hoos loo dhigaba waa la aamusayaa oo waxba la akhrin maayo. Maalikiyada qayb ka mid ah ayaa iyadu la qabta, saxaabada arrinkan qaba waxa ka mid ah Sayd bin Saabit iyo Jaabir bin Cabdillaahi, halka taabiciyiinta ay qabaan Sawri iyo Sufyaan bin Cuyeyna.

Abubabar Ibnu Carabi wuxu leeyahay: salaadaha Quraanka hoos loo akhrinayo qofka imaam ku dabatukanaya waa ku waajib in uu faataxada akhriyo, laakiin kolka Quraanka imaamku akhrinayo waa in uu aamuso.

Fuqahada casrigan qudhoodu way ku kala aragti duwan yihiin dooddan muddada dheer soo taagnayd, waxanay kala raacsan yihiin madaahibta arrintan midba meel ka taagan yahay.

Sheekh Dedow oo ka mid ah culimada ugu aqoonta badan wakhtigan wuxu leeyahay: sida wanaagsani waa in uu akhriyo faataxada qofka imaam ku dabatukanaya, iyada oo lagu dhaqmayo xadiiska odhanaya salaad uma sugna qofkaan faataxada akhrin, hoos ayaanu u dhigayaa akhrintiisa oo imaamka tushuush ku furi maayo, meelaha uu imaamku aamuso ayaanu akhrinayaa, haddii imaamku hakan waayana kolka uu suurad kale bilaabo ayuu faataxada akhrinaya.

Xarunta Fatwada Masar-Daaru Iftaa waxay fatwoodeen in la tujiyuhu akhrinayo faataxada salaadaha kor loo qaado Quraanka iyo kuwa hoos loo dhigaba, sida oo kale waxay ku taliyeen in imaamku kolka uu faataxada akhriyo inyar sugo si qofka ku dabatukanayaa u akhriyo. Daaru-Iftaa waxay garab istaageen mad’habta Shaaficiyada oo xujooyin adag haysata oo muujinaya in la akhrinayo faataxada.

Maqaalkeennani wuxu xoojinayaa midda ay qabto Shaaficiyadu ee ah qofka imaam ku dabatukanayaa in uu akhrinayo faataxada salaadda kor loo qaadayo iyo midda hoos loo dhigaba.

Dooddeenu waa in aanu jirin nas cad oo tilmaamaya qofka imaam ku dabatukanaya in aanu akhrinayn faataxada, halka xujada aynu u hayno akhrinta faataxadu tahay suuradda Musamil ee Alle SWT leeyahay, “Akhriya wixii idiinka fududaada Quraanka.” Middaas oo culimadu leeyihiin: aayadda amar ayaa ku jira la ina amrayo marka aynu salaadda tukanayno in aynu akhrinno Quraanka, amarkuna wuxu faa’iideeyaa waajibnimo.

Xujada labaad waa xadiiska tilmaamaya in aanay salaad u jirin qof aan faataxada akhrin, doodda ah imaamkaa ku filanna nas cad looma hayo, aayadda Quraanka ee tilmaamaysa in la aamuso kolka Quraanka la akhrinayo kuma cadda in aan faataxada la akhrinayn, sida xadiiska ay ugu caddahay in aan la aqbalayn salaad aan faataxada la akhrin, sidaa ajligeed waxaynu dhaqangalinaynaa akhrinta faataxada salaadda kor loo qaadayo iyo midda hoos loo dhigayaba, sidoo kale haddaad kali tukanayso iyo haddaad imaam ku dabatukanayso labadaba waad akhrinaysaa faataxada

 

 

 

Xigasho: Sheekh rakuub

Bandhige.com