Ciidanka Dabadamis Somaliland oo Lagu Tababarayo Qalabka Samatabixinta Shilalka

Hargaysa (Dawan) Ciidanka Daba-damis Somaliland ayaa loo qabtay tababar lagu barayo qabalka samatabixinta shilalka oo baahi aad u wayn loo qabay.

Tababar ku saabsan Qalabka Samatabixinta ee lagaga hawlgalo Shilalka ( Rescue Tools for Road Traffic Collision) ayaa ka Qabsoomay Taliska guud ee ciidanka Dabdemiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa shalay tababar ku saabsan Shilalka Gaadiidka iyo habka looga hawlgalo ( Road Traffic Collission) qaybtiisii labaad oo ah qalbka Samatabixinta (Rescue Tools) u Qabtay Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska.

Tababarkan ayaa Taliyuhu si faahfaahsan ugu sharaxay habka looga hawlgalo shilalka Gaadiidka iyo qalabka Samatabixinta ee ku haboon ee la isticmaalo iyo liiska qalabkaasi.

Saraakiisha ayaa halkaa ka faaโ€™iideystay qaybtan labaad , kaasi oo muhiim u ah hawlgalada maalinlaha ee ciidanku qabto.

Tababarkii hore ayaa ku saabsanaa hab-dhismeedka Gaadiidka iyo kala duwanaanshahooda.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com