Qormadii 2aad:
Qormadii 1aad waxaynu kusoo qaadannay awoodaha isku haya talada, gaar ahaan Oromada iyo shakhsiyaadka ugu tunka weyn, mid kasta halkuu kasoo jeedo iyo xisbiga/ururka uu hoggaamiyo. Qormadan 2aad waxaynu kaga hadli doonaa hordhac kooban oo ku saabsan waxa dhaliyay khilaafka soo kala dhexgalay Ra’iisalwasaare Abiy iyo Jawaar Maxamed. Waxaynu raacin doonaa, udub-dhexaadna u noqon doona qormadan khilaafka qoomiyadda Oromada soo kala dhexgalay, innaga oo barbardhigi doona kii Tigrayga dhexiisa sidan oo kale 2001dii oo mararka qaar loogu yeedho ‘dhul-gariir’.
Inta aanan idin la fogaan, waxogaa aan ka iftiimiyo qoomiyadda Amxaarada oo ah midda ugu taxaddaarad iyo ilbaxnimo dheer sooyaalka casriga ah ee Itoobiya. Wakhti xaadirkan ma abaabula oo malaha awood urursan, waxa se ugu firfircoon jabadda xisbiga noqotay ee Gimbood 7, ee uu hoggaamiyo Birhaanow Nega iyo Amhara National Democratic Movement (ANDM), hadda se magacii u bedeshay Amhara Democratic Party (ADP). Gimbood waa jabhad/urur aaminsan Itoobiya xooggan oo leh dawlad dhexe, siday waayo ahaan jirtay. Aad ayay uga soo horjeedaan Federaalka iyo Aayo-katashiga dastuurka haddana ku qoran. Arrinta xiisaha leh ayaa ah inuu xoghayn guud ka yahay nin Oromo ah oo la qaba fikirkaa Gimbood 7, halka Oromada kale oo dhan isku raacsan tahay Federaal ama Aayo-katashi. ADP waxay ka tirsan tahay isbahaysiga EPRDF, Demisi Mekanoon oo ah guddoomiyaha hadda, Ra’iisalwasaare iyo guddoomiye ku-xigeenka EPRDF, waa saaxiib u dhaw Ra’iisalwasaare Abiy Axmed.
Khilaafka hadda taagan, halkuu salka ku hayaa?
Arbadacaddii hore (23ka Oktoobar) ayay habeennimaddii saqdhexe ciidanku isku dayeen inay bedelaan ilaalada gaarka ah ee Jawaar Maxamed oo 5tii Ogos 2018kii dalka ku soo noqday, sida uu ku faafiyay bartiisa Facebook oo ay ku xidhan yihiin in ka badan hal milyan iyo todoba boqol oo kun (1.7 million followers). Xiisad ayaa ka dhex bilaabantay Jawaar Maxamed iyo Ra’iisalwasaare Abiy Axmed.
Jawaar waa nin saamayn balaadhan ku lahaa kacdoonkii Itoobiya, weli na ay ku xidhan yihiin dhalinyar badan oo Oromo ah laguna magacaabo Qeerro (Eeg qormadii 1aad).
Xiisadda waxa kiciyay ayay isku raacsan yihiin falanqeeyayaasha siyaasadda Itoobiya hadal uu ka jeediyay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed 22kii bishan Oktoobar golaha shacabka oo uu ku weeraray warbaahin aanu magacaabin. Wuxuu yidhi Abiy, isaga oo aan cid toos u magacaabin: “mulkiilayaasha warbaahinta ee aan haysan basaboorka Itoobiya way laba wajiilaynayaan. Haddii ay arrintaasi dhibaataynayso nabadda iyo jiritaanka Itoobiya, tallaabo ayaanu ka qaadi doonaa” (Reuters).
Markii ay isbahaysiga Ethiopian People’s Democratic Front (EPRDF) talada qabsadeen, sannadkii 1991kii, talada inteeda badan waxay ku urursanayd Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ahayd jabhadda ugu xoogga weynayd, dagaalka qadhaadhna la gashay dawladdii Migiste Xayle Maryam (Temesgen Thomas Halabo 2016).
TPLF oo uu hoggaaminayay Meles Sanaawi, jihada dalku qaadayo iyo sida loo maamulayo ayay isku qabsatay (Paulos Milkias 2001).
Sida uu qoray Paulos Milkias oo sooyaalka Itoobiya wax badan dersay, TPLF waxa ugu sarreeyey xoghayn guud oo ahaa Meles, waxa ku xigay Politburo oo ka koobnaa 9 xubnood, Meles laftiisuna ku jiray oo gaadhi jiray go’aamada ugu muhiimsan. Kaalinta saddexaad waxa ku jiray Golaha Dhexe oo ka koobnaa 30 xubnood. Meles marka uu rabo inuu sameeyo go’aamo siyaasiya oo uu doonayo inay EPRDF meel mariso, marka hore wuxuu tegi jiray Maqalle, si uu u helo ogolaanshaha Politburo iyo Golaha Dhexe ee TPLF. Haddii aany iyagu [TPLF] ansixin, lama fulin jirin, xataa haddii uu baarlamaanku sharciyeeyo. TPLF waxay lahayd afkaar (mabda’) siyaasiya oo ahaa Marxism-Leninist oo kasoo bilaabmay 1974kii jaamicaddii Xalye Salaase, haddana lagu magacaabo Addis Ababa. (Temesgen Thomas Halabo 2016).
Waa halkan midda aynu uga socono araartan. Oromo People’s Democratic Organization (OPDO), dhawaanna magaca u bedeshay Oromo Democratic Party (ODP), intii uu xilka qabtay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed, goorma ayaa la aasaasay? Sidee ayay se ku bilaabantay? Duruufo noocee ah ayay soo martay? Afkaar (mabda’) noocee ah ayay aaminsanayd, weli na aaminsan tahay? Waa halkan meesha nuxurka iyo khilaafka haddu ku jiraa!.
Si aan uga warcelino weydiimahaa oo sheeko dheer usoo gaabsanno, OPDO waxay ku bilaabantay saraakiil Oromo ah oo kasoo goosatay taliskii Dhergiga iyo saraakiil ay qabteen jabhaddihii hubaysnaa ee TPLF hoggaaminaysay si ay metesho Oromo (Paul Milkias 2001).
Maadaama oo TPLF hawlgal iyo taageero ba ku koobnayd waqooyiga dalka, waxay istuseen inay lagama maarmaan u tahay inay helaan qoomiyadda Oromada oo leh deggaan balaadhan, qoomiyadda ugu tirada badanna ka ah dalka Itoobiya. Sidaa ayay kusoo abuurantay OPDO ee may ahayn jabhad uu mideeyo afkaar (mabda’). Waa sooyaal dheer siday TPLF ugu adeegatay iyo waahaya ay isla soo mareen, hayeshee dhawr tusaale haddii aan soo qaado, Negasa Gidhaadha oo soo noqday madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, wuxuu ka mid ahaa guddoomiyeyaashii ugu horreeyey ee OPDO, waxa kale oo uu xubin ka noqday Oromo Liberation Front (OLF). Shirkii Golaha dhexe ee OPDO oo Addis Ababa uga furmay June 2001dii, markii dambe na loo wareejiyay Adama (Naasareet), khilaaf hor leh ayaa ka bilaabmay, ka dib markii Meles uu usoo diray Sebhat Nega oo ka tirsanaa TPLF, aadna ugu dhawaa Ra’iisalwasaare Meles Sanaawi (Paulos Milkias 2001) .
Markaa shirka OPDO furmay, waxa khilaaf xooggan ka dhex taagnaa TPLF, Meles na wuxuu la halgamayay inuu xejisto awooddiisa. Shiferow Jarso oo ka mid ahaa madaxdii OPDO oo taageero u muujiyay garabka Tewolde-Siya eeTPLF oo Meles kasoo hor jeeday, mar uu garnaqsanayay wuxuu yidhi: “ halkii aan sii wadi lahaa inaan madaxa kuu foorariyo [TPLF], waxaan door bidayaa inaan dhinto, si aan u xaqiijiyo in caruurtaydu ku noolaato xorriyad” (Paulos Milkias 2001)
Haddii aynu dhanka kale jaleecno, isla wakhtigaa TPLF raadinaysay taageerada bariga iyo badhtama dalka—deggaannada Oromada, waxay abuureen Southern Ethiopian People’s Democratic Front (SEPDF) oo shucuubta koonfurta dalka metelayay. Hoggaankii OPDO iyo SEPDF ba waxa sahayday horraantii 2000, khilaafkii TPLF oo madaxdii labada urur ba waxay la safteen garabkii Tewolde-Siya. Meles si uu taageero uga helo labadan xisbi, wuxuu ku guulaystay inuu bedelo hoggaankoodii, waxaanu meesha ka saaray Nigasa Gidhaadha (OPDO) iyo Abate Kisho (SEPDF), isaga oo keenay Kasu Ilala iyo Xayla-Mariyam Desalen.
Si ay sheekada iyo sooyaalkuba iskugu keen xidhmaan, halkan aynu kaga hadalo siduu ku yimid Xayla-Maryam Disalen talada, 2012kii, markii Meles geeriyooday. Xog-ogaal ayaan u ahaa kala guurkii oo maalmahaa Itoobiya ayaan joogay, halka isbedelka cusub ee dhashay 2018kii, welina socod baradka ah aan kala socdo Hargeysa. Siyuu Musfin oo noqday madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee TPLF sannadkii 1975kii, ilaa 2010kii ayuu ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya. Meles ayay is fahmi waayeen Siyuu, hubaal na wuxuu ahaa ninkii bedeli lahaa, hadduu jagadaa hayn lahaa maalintii Meles geeriyooday. 2010kii ayuu Meles u magacaabay Xayla-Maryam Disalen wasiirka arrimaha dibadda, isla jeerkaana noqday ku-xigeenka Ra’iisalwasaaraha iyo guddoomiye ku-xigeenka EPRDF, isaga oo ahaa guddoomiyaha SEPDF. Iyada oo sidaa talada la iskaga maroorsanayo, haddana xeerarka u dejisan xisbiga EPRDF iyo 4ta urur ee wadaagga la ahba way raacayeen. Sidaa ayuu Xayla-Maryam ku noqday Ra’iisalwasaare ku-meelgaadh ah, doorashadii 2015kiina mid rasmi ah.
Sannadkii 2013kii, madaxweynaha Midowga Yurub oo la kulantay Xayla-Mariyam waxay sheegtay: “rabitaankiisa [Xayla-Mariyam] inuu xoojiyo dimuqraaddiyadda dalka, ogolaado siyaasad loo dhan yahay iyo bulsho rayid ah oo madax-bannaan, si loo ayido xorriyadda dastuurka Itoobiya qeexay, way caddahay”.
Disalen wuxuu la kulmay xoogag uu isku hayay Meles, waxaanu u dhexeeyey saraakiishii ciidanka ee awoodda badnaa sida Samoora Yuunas Maxamed iyo Oromadii xisbiga gudihiisa iyo kuwa ka baxsan ba lahaa ee talada kulaalayay. Aakhrirkii kacdoonka aynu qormadii 1aad kaga hadalnay, tanna waxogaa kaga soo qaadnay ayaa sahayday Ra’iisalwasaare Xayla-Mariyam Disalen.
Disalem waxa lagu ammaanaa inuu qaatay go’aan sax ah, markii uu iska casilay xilkii Ra’iisalwasaaraha, guddoomiyihii EPRDF iyo kii SEPDF. Isaga oo ka hadlayay is casilaadiisa bishii Abriil 2018, wuxuu yidhi: “ qalalaase iyo deggannaansho la’aan siyaasadeed ayaa keenay dhimasho iyo barakaca dad badan. Waaxaan u arkaa istiqaaladdayda isku day muhiim ah, si loo fuliyo isbedel horseedi doona nabad waarta iyo dimuqraaddiyad”(Al-Jazeera, Abriil 2018).
Dhanka kale, waxa la tilmaamaa inuu isku hayn kari waayay dalkii oo aanu lahayn hoggaamin tolmoon. Ammaanta loo jeediyay ayaa se ka badan dhaliisha loo jeediyo oo Itoobiya ma soo marin Ra’iisalwasaare/madaxweyne xilka iska casila, inuu ka dhinto ama laga tuuro mooyee.
Sida la filayay, waxa bilaabmay loolanka hoggaanka EPRDF oo sida xeerku sheegayo, qofka ka noqda guddoomiye, si toos ah/inta badan u noqdo Ra’iisalwasaare. Maadaama oo TPLF siyaasaddoodii gurracnayd khaati laga joogay, waxa madaxa la soo kacay Amxaaradda, Oromada iyo Shucuubta Koonfureed oo ay kala hoggaaminayeen xisbiyada ANDM, OPDO iyo SEPDF—Lemma Megersa, Dimese Mekanon iyo Shifaye Shagute siday u kala horreeyaan. SEPDF waxa hore guddoomiye ugu ahaa Ra’iisalwasaaraha is casilay oo fursad badan iyo khidad siyaasadeed may lahayn, guddoomiyahooda Shifaye Shagute oo isla markaana ahaa Xoghayta EPRDF wuxuu jaal la ahaa TPLF, waxa se ugu fursad fiicnaa Amxaaradda iyo Oromada. Oromada hal caqabad ayaa soo waajahday. Guddoomiyahoodii xilligaa, haddana ku-xigeen ah; Lemma ma ahayn xubin baarlamaan oo iyaduna shuruudaha ku jirtay. Oromadu waxay sameeyeen isbedel cajiib ah oo falanqeeyayaashu ku tilmaameen mid aan hore loogu arag beryahan Oromada. Waxay isku bedeleen Lemma iyo Abiy oo guddoomiye iyo ku-xigeen isku ahaa, si fursad loo siiyo Abiy oo ahaa xubin baarlamaan. Waa halkan sababta Abiy ugu tilmaamo Lemma ‘my former boss’.
Oromo haddana hawl kale oo baaxad leh ayaa sugaysay. Hore umay lahayn galaangal siyaasadeed EPRDF dhexdeeda iyo siyaasadda dalka midna, cududdooduna mucaarad hubaysan iyo mid silmi ahba ayay ahaayeen, sidaynu hore u sharraxnay.
Waxay ka badin waayeen inay ANDM ku qanciyaan, si ay iskugu noqdaan guddoomiyaha iyo ku-xigeenka EPRDF, isla markaana u noqdaan Ra’iisalwasaare iyo ku-xigeen.
ANDM way aqbaleen dalabkaa oo Dimese Mekanon, wuxuu ku qancay inuu xulufo la noqdo APDO. Sidaa ayaa lagu doortay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed oo maanta talada dalka gacanta ugu hayaa, si ku-meelgaadh ah, doorashana isku diyaarinaya May, 2020. Doorashadaa gu’ga dambe, waa halka ay ku jirto tijaabada Ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Inuu halkii hore ka miiso, markuu kursiga isku hubsado iyo inuu kaga dhabeeyo ballanqaadyadiisa cajiibka ee uu sameeyey muddadii koobnayd ee uu xilka hayay, haba ugu xoogganaato inaan xilka la iska fadhin oo muddo-xileed uu yeesho Ra’iisalwasaaruhu, siduu ku khudbad ku sheegay. 19kii bishan Oktoobar ayuu soo bandhigay Ra’iisalwasaare Abiy Axmed buug magaciisa la yidhaahdo MEDEMER oo ku qoran afafka Amxaariga, Oromada iyo afka Ingiriisiga oo bil kadib diyaar noqon doona. Waa buugga la rumaysan yahay inuu xambaarsan yahay mabda’ iyo afkaar Abiy doonayo inuu ku maamulo Itoobiya. inkasta oo aanay weli dadka ajaanibka ah wax badan ka ogayn, maadaama oo aan weli la helin nuqulkii Ingiriisiga ahaa. 65 magaalo ayaa lagu soo wada bandhigay hal maalin oo ay caasimadduna ku jirto, halkaas oo ay joogeen inta badan madaxda xukuumadda. Wuxuu ka kooban yahay 280 bog, waxaanu kawaramayaa, sharraxayaana siyaasadda, dhaqaalaha iyo jihada ay qaadi doonto siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, siday ku warantay Fana Broadcasting Corporation (FBC).
Halka Deyr wakhtigu dhigo,
Dib baa looga sheekayn,
Ka-Darraa u magac bixin
Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
Tix-raac: