Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar Q.7aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Wixii la is jafaba oo boqolaal ciidan kor u dhaafaya birta laga aslay, oo labada dhinac ah. Halka garabka Baasaweyne laga diley laba abaanduule oo guutooyin hoggaaminayey. Ayaa uu abaanduulihii labaad ee Muumin Aw Xabeeb booskiisii waxa la geliyey ku-xigeenkiisii. Aaggii dacalka ahaa ee bannaanaadey, waxa is yidhi ka faa’ideysta ciidankii Geesaweyne. Waxa se ay noqotey mid ay ku hungoobeen. Waxaana meeshii qabsadey ku-xigeenkii Muumin. Ciidan kusoo wajahnaa oo uu watey Xirsi madaxweyne waa la jebiyey. Waxaana la diley oo lala helay shiishka Xirsi oo ahaa abaanduulaha guutada.

 

Guutadii dhexe ee uu hoggaaminayey Mahadle Baasaweyne, waxa ay aad u xoojisey dhinaca weerarka. Waxa aynna horseeday in la dilo Madaxweyne oo ahaa Geesaweyne walaalkii, iyo wiilkii uu adeerka u ahaa ee Ibraahin Ciilweyne. Labada dhinac hadda jabku waxa uu ku badanyahay dhinaca Geesaweyne, walow uu isagu markii hore ku horreeyey. Dhimashadii waa tiro beeshay, dhaawacuna waa xad ka bax. Waxa la gaadhey xilligii gabbal-dhaca, weli ciidankii waa is ku jiraa. Fari kama qodna. Waxase aad mooddaa in dhinaca Baasaweyne, maadaama uu ka ciidan yaryahay in ay daciifeen tiradoodu. Kolkii se lagu war helay in gabbal-dhac ay tahay, oo cadceeddii godkii ku galbatey. Ayaa dib loo kala gurtey, qolo walbana dhaawaceedii iyo meydkeedii qaadatey.

Garab walba waxa uu dib ugu sikaday boqortooyadii aag u dhow. Sahay iyo tamarin kale wixii uu heli karaayey habeenkaas ayaa uu dirsadey. Geesaweyne waxa laga diley Madaxweyne oo ahaa walaalka iyo laba uu adeer rumaata u yahay Xirsi madaxweyne iyo Ibraahin Ciilweyne. Halka Baasaweyne laga diley wiilkiisii Doolaal iyo wiilka walaalkii dhalay Muumin Aw Xabeeb. Balse labada dhinac tirada ciidanka kale waxa la diley boqolaal wax kor dhaafaya. Qolo weliba, waxa ay sii qorsheysay qaabdhismeedka dagaal ee ay berri ku dagaal geli doonto. Berri waa kolka lakala baxayo, oo midkii roonaada labada boqortooyo u hadhayo.

 

Aroortii hore, kolkii cadceeddu ay soo iftiintey ayaa heegan labadii dhinac mid walba galey. Dhinac walba waa karaar qaatey, sahay iyo kaabis badan oo tii hore ka xoogweyn ayaa la isu carbistey. Labada boqor ee Geesaweyne iyo Baasaweyne waa isu dhaarsanyihiin. Kolki labadii ciidan mid walba dhinaciisa kasoo saftey; oo leebkii iyo qaansadii la isa saarey, warankii la isu jeediyey, isagoo gaashaanku weheliyo. Waxa mar keliya lagu qeyliyey sidii caadada u ahayd “Haddaad noolaataan maanta!” iyo “Haddaad idinkuna noolaataanba!”.

Dagaalkii kolkii uu cabbaar socdey; welina la ismari kari la’yahay. Milicduna soo kululaatey, waxa haddana si gaadmo ah uu dagaalyahankii kasoo jeeday boqortooyada Geesaweyne ee Awseed uu waranka la helay Ducaale Aw Xabeeb oo Baasaweyne adeer rumaata u ahaa. Dhulkaba ulamuu dhicine; waa rawaxey. Guutadii uu hoggaaminayey talo xumo baahsan baa soo wajahdey. Halka guuto uu hoggaaminayey Awseed ay qeyb kamid ahi badhtanka u gashay guutadii Ducaale, gumaad afarta jiho ah oo aan xad lahayn baa haleelay guutadii. Wixii soo hadhay ee firaxadka ahaa waxa ay kala noqdeen kuwo dhabarka sii jeediya; oo cagta la mariyo iyo kuwo guutooyinkii kale ee Baasaweyne ku kala biirey oo aan tayo lahayn.

 

Dhabarjab aad u ballaadhan baa soo wajahay Baasaweyne, abaanduuliyaashii ugu khatarsanaa ee guutooyinka hoggaaminayey seddex kamid ah ayaa laga diley. Waxa soo hadhayba waa guutada Baasaweyne iyo guutada wiilkiisa ee Mahadle Baasaweyne. Seddexda guuto ee kale waxa hoggaaminaya ku-xigeennadii abaanduulayaasha oo aan khibrad iyo dagaalyahannimo xirfadeed aan lahayn! Talo waa cakirantahay; Baasaweyne fartuu dhexda ka qaniiney. Ciidankiisii waa yaraadey, waxa uuna kolkan ciidankii noqdey afar guuto; iyo inyar oo firxadkii guutada shanaad ahayd oo ku kala biirtey afarta kale.

Xaaladdu hadda waa qadhaadhaatey; dacar la leefay baa ay noqotey. Waxa dagaalamaya waa 10-guuto oo laba abaanduule laga diley, kaddibna ku-xigeennadoodii ku buuxiyey; oo waa dhinaca Geesaweyne. Halka Baasaweyne isagu hadda uu ka koobanyahay afar guuto, lagana laayey hal guuto dhammanateed. Lagana diley seddex abaanduule oo miisan culus lahaa. Waxa se hadda Geesaweyne uu xoojiyey dhinaca weerarka; taas oo horseedday in aad loogu siqo, ciidan badanna laga gumaado, oo u badneyd kuwa dhulka.

 

Guutaale Warsame iyo labadii Geesaweyne soo korsadey ee kala ahaa Olol iyo Awseed, waxa ay ciidankii Baasaweyne ku sameeyeen dhabarjab aad u ballaadhan, waxa aynna kaga soo wareegeen hal jiho oo dhanka bidix ah oo daciif noqotey iyo laba jiho oo xagga dambe ah. Waxaana halkaas lagu baabi’iyey guutadii ugu xoogga badnayd ee uu hoggaaminayey Mahadle Baasaweyne, walow uu Mahad dhaawac culus soo gaadhay. Kaas oo sababey in nolol lagu qabto, lana qafaasho isagoo dhaawac ah. Waxa ay arrintii isugu soo biyo shubatey seddex guuto; oo laba ku-xigeen iyo Baasaweyne ay kala hoggaaminayaan.

Seddexdii guuto waa la hareereeyey; afarta jihaba waa lagaga xoomey. Hal mar ayaa tobankii guuto ee Geesaweyne ku bilowdey. Aad baa loo jafay oo meydkooda la taxay sidii tusbax go’ay ciidankiii Baasaweyen. Waxa cagta la mariyey dhammaan ciidankii aan ka ahayn guutadii Baasaweyne. Waxa keliya soo hadhay guutadii Baasaweyne, iyadiina biyaha looma kaban. Baasaweyne waxa gacantiisa seefta madaxa uga gooyey boqor Geesaweyne. Waxa uuna soo qaatey madaxiisii oo keliya.

Geesaweyne oo aad isula weyn, libin aan la dheyelsan karinna gaadhey. Ayaa cod weyn ku yidhi: “MEEYEY BAASAWEYNE? MEEYEY BAASAWEYNE? ANIGAA ISKA LEH LABADA BOQORTOOYO?” Isaga oo madaxii gacanta bidix ku laalaadinaya, halka gacanta midigna seeftii oo dhiig leh ku heysta. Ayaa uu u jaqaafiyey una hayaamey dhankaas iyo boqortooyadii Baasaweyne. Kolkii uu gaadhay boqortooyadii Baasaweyne, waxa uu jebiyey albaabkii oo waxooga ciidan ah ilaalinayeen. Intiina cagta ayuu mariyey; oo mabuu kusii hakanin. Itaal badanna maba aysan lahayn. Kolkii uu qasrigii galey, dadkii oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa afka gacanta wada saarey. Oohin iyo naxdin, amakaag iyo afkala qaad baa kasoo wada hadhay!!

Geesaweyne isagoo aad u dhoolacaddeynaya, si kibir lehna cagaha u jiidaya waxa uu dadkii qasriga ugu khudbadeeyey: “Maanta wixii ka dambeeya aana ka talinaya boqortooyadan. Cid iga dabo hadli kartaana ma jirto. Waxaanad ku qasbantihiin amarkayga oo aad yeeshaan; haddii kale dhegta ayaan dhiigga idiin darayaa, hal qofna iga badbaadi maayo!” Geesaweyne waa u quus gooyey dadkii, doorasho iyo go’aanna maleh. Waxaan dhimasho cadaab leh iyo raacitaanka Geesaweyne ahayn ma jiraan. Waxa aynna ku qasbanaadeen in ay raacaan Geesaweyne amarkiisa.

Geesaweyne durbadiiba waxa uu qorsheeyey isku xidhka labada boqortooyo. Tiisii hore waxa uu boqor uga dhigey wiilkiisa Amiir Warsame Geesaweyne, waxa uuna u guuriyey gabadh uu dhalay Baasaweyne weliba si qasab ah. Isguna waxa uu u wareegay boqorooyadii Baasaweyne, waxa uuna qasab ku guursadey boqoroddii Baasaweyne ee boqorad Cosob. Dumarkii qasriga ee la wada qabeyna, waxa uu si qasab ah ugu darey raggii boqortooyadiisa kasoo jeeday ee abaanduulayaal ahaa ama askar ciidan ahayd! Nidaam kelitalis dadkii kasoo jeeday boqortooyada Baasaweyne bahdiley, oo sharaftoodii dhulka ku jiidey ayaa meeshii yimid. Xattaa waxa uu Geesaweyne qasrigii Baasaweyne ka dhex furey, goob lagu kireeyo dumarka la isirran Baasaweyne, oo jidhkooda lagaga ganacsado.

 

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Email: abdifatahbarawani@hotmail.com