Khuraafaadka laga faafiyay hurdada ee uu cilmigu baneeyay Q.3aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

WAQTIGA AAD SEEXANAYSAA MUHIIM MAAHA!

Dr. David Roberts waxa uu beeniyey aragtida dad badani aaminsan yihiin ee ah in jidhku hurdo u baahan yahay, laakiin aanay muhiim ahayn saacadda uu maalintii ka seexanayaa. Waxa uu sheegay in maskaxda aadamuhu ay leedahay saacad abuur ah oo si dabiiciya u jaangoysa waqtiga ku habboon hurdada, iyo guud ahaan waqtiyada kala duwan ee nolol maalmeedka qofka muhiimka u ah.

Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmibaadho lagu sameeyey dad shaqadoodu ay tahay kalkaaliyeyaal caafimaad iyo shaqaalaha gurmadka madaniga ah ee dab-damisku ku mid yahay, in lagu ogaaday in dhibta ugu badani ay ka soo gaadho saacadaha badan ee ay habeenkii soo jeedaan, inta badanna ay ku keento xaalado caafimaad oo ay ka mid tahay waden xanuun, iyo miisaankooda oo kordha.

JIMICSIGA KA HORREEYA HURDADA

Dad badan ayaa aaminsan jimicsiga ugu yaraan afar saac hurdada ka hor la sameeyaa in uu Khalkhal ku abuuro hurdada. Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmi ahaan aan arrintaas wax caddayn ah weli loo haynin, laakiin haddana waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in aan la jimicsan ugu yaraan hal saac hurdada ka hor.

RIYADII XALAY OO AAD XASUUSATAA WAXAY CALAAMAD U TAHAY IN AAD SI FIICAN U SEEXATAY

Dad badan ayaa ku dooda fikir ah, qofka oo subaxdii xasuusta riyooyin uu habeennimada arkay in ay calaamad u tahay in uu hurdo fiican seexday.

Cilmibaadhisaha hurdada lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu xidhiidh ka dhexeyn xasuusashada riyada habeenkii iyo nooca hurdo ee uu qofku seexday. Waxa aanay sheegayaan, xaaladda qofku marka uu subaxdii tooso ku sugan yahay in ay tahay calaamadda ugu fiican ee uu ku garan karo in uu hurdo fiican seexday.

KHUURADU SAAMAYN KUMA LAHA HURDADA

Dr. David Roberts waxa uu sheegay khuuro dhawaq dheer ah oo uu qofku habeenkii sameeyaa in ay calaamad u tahay, in ay dhuuntu xidhantahay, neefsiga dabiiciga ahina aad cidhiidhi ugu yahay, neeftaas cidhiidhiga ku maraysa hawo mareenka ayaana sababaysa in hilibka gudaha sanka iyo dhuuntu uu gariir sameeyo, kaddibna aynu maqalno dhawaqa khuurada loo yaqaanno.

Waxa uu dhakhtarku sheegay in khuurada noocan ahi ay khatar ku tahay nolosha qofka, oo marar badan ay dhici karto in uu neef qabatoobo, ama in ay keento xaalad ah in qofka ay neeftu ka go’do.