Maxaa ku cusbaa dooddii Heritage ee Jabuuti? (WQ: Xasan Cabdiqaadir Yuusuf “Garnayl”)

Siddii marmar hore ba dhacday, waxaa dooddii madasha si iskeed ah uga aloosmay muran la xidhiidha isticmaalka magacyada ‘Somalia iyo Somali Republic’. Halka ay labada magaca ka soo kale jeedaan taariikh ahaan, iyo weellaynta addeegsashadoodu wuxuu uga dhiganyahay maxsuulka iyo itijaaha doodda, markale ayeynu wax ku darsan, laakiin caawa waxaan ku koobi: Maxaa ku cusbaa dooddii Heritage ee Jabuuti?.

– Nuxur ahaan kalmadaha hore u socodka iyo wax la baxa lehiย waxay ka imanayeen dhinaca Dr. Bulxan iyo Prof Afyare Cilmi. Bulxan wuxuu sheegay in Soomaalida la isku faruur xidhay, dhiig joojin mooyee cidna aanay xal waara u soo wadin. Afyare Cilmi na wuxuu carabka ku adkeeyay sidda aanay macquul u ahyn in hal dhinac keligii hirgaliyo aragtidiisa, wuxuu xusay in Dastuurkii seeska u noqon lahaa dhismaha nidaamka iyo haayaddaha dawladeed ee Soomalia uu welligii qabyo ahaanayo, ka hor inta aan arrinta labada dhinaca laga gaadhin nooc hishiis ah uun. Labada aqoonyahan waxay isku raacsanaayeen, in aan xal u helidda kiiskan lagu koobin siyaasiyiinta, ee gogosha la balaadhiyo, budlinta mowduuca na uu qaybtiisa aqoonyahanku qaato. Labada oday ba waxay la gole yimaadeen biseyl aan hor loogu aqoon marka mowduucan la dul joogo.

– Wasiir Saalax Jaamac iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo Heritage daabuulka ku karatimiyeysay ayaa midhadh diiran oo doodda dareen iyo xalad cusub galiyey halkooda ka soo ritay. Wuxuu ahaa cod ka sareeya kii ay dareenkooda ku cabiri jireen midinimo doonkii Yuusuf Dheeg iyo Yuusuf Dirir. Dhiiranaantoodu saddex qodob bay daaraneyd: 1. Innuu waaqacu siinayo kalsooni iyo sharciyada ka balaadhaan tii Dheeg iyo Dirir 2. In xal hellida kiiskani yahay mid da’doodu u taalla, saamayna ku leh maalamaha baaqiga u ah. 3. Iyo la aqoonsado, doodda Panelka na ay dhinacooda xaadh xaadhaan. Ninkii reer Baydhabood wuxuu yidhi: Haddaan kooyey.

Saalax iyo Biixi waxaa u taalla su’aasha ah: nooca midnimo ee ay doonayaan iyo danta ugu jirta deegaanka ay matalaan (Lawyacaddo ilaa Ceelaayo). Jaamac Maxamed Qaalib oo malaha aanay qabaneyn eedda ah: wuu shaqa tagey, ama wuu deegaamoobey/Hawiyeyoobay sidda Guddoomiye Xaashi iyo Wasiir Maareeye, ayaa dabayaqaadii 2016 City-Placa kaga qudbadeeyay nooca midnimo ee uu olaleynaayo. Jananku wuxuu sheegay, wax aan ahyn midnimo iyo awood qaybsi laba gobol ah (Waqooyi iyo Koonfur) in aanu dadkiisa la hor tageyn. Halkaa waxii ka hooseeya na, uu gooni-isu-taagooda la qaadanaayo.

– Musharax Abyan ayaa isna kalmada qiimo badan madasha ka jeediyay. Wuxuu u muuqday nin isku kalsoon oo aan cid iska dhisayn sidda Koore. Abyan wuxuu hoggatusaaleyey sidda ay Soomaalidu iskuugu habsaantay. Waxaa kale oo uu xusay in Soomaaliya aanay daacad ka ahyn wada-haddalka, kana war-wareegayso.
Xirsi Xaaji Cali ayaa isna wax badan iftiimiyey, wuxu ahaa qofka ugu xogagaalsan mowduuca, waxaa haddalkiisa ugu muhiimsanaa innuu qiray jirritaanka dad reer Somaliland ah oo aan la dhacsaneyn Gooni-isu-taaga.