Laba Sifo oo aan ku xasuusto Marxuum Cabdilaahi Fadal (WQ: Axmed Cumar Duse)

Taliyihii ciidanka Booliska JSL marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo aan maanta nasiib u yeeshay inaan kamid noqdo Kumanaan qof ee Jinaasadiisa ka qaybgashay waxa aan marag ka ahay inuu lahaa sifooyin badan oo dhinaca wanaagga ah.

Muddo laba sano ku dhaw aannu labadayaduba shaqaalaha madaxweynaha kamid ahayn,  waxannu yeelanahay wada-shaqayn dhaw oo fursad iigu noqotay inaan dhaqamadiisa iyo shaqsiyaddiisa wax ka ogaado.

1. Waxa aan marag ka ahay inuu ahaa Addoon ka dheer sifaha kibirka, dhibirsan, dhegaysi badan oo dadka kooda hoose iyo ka madaxda ah isku si uu dhegaysta oo ugu wada jawaaba, wejigiisuna mar walba wuu furnaan jirey.

2. sifaha labaad ee aan ku arkay wuxuu ahaa inuu si gaar ah saaxiib dhaw ula lahaa warbaahinta,kana dheeraan jirey colaad isaga iyo  warbaahihnta dhex marta.

FG. qof kasta oo shaqo qaran haya waxa qasab ah inay shaqadaasi cid iska horgeyso oo ay is jiidhaan, cid kasta oo ay marxuumka shaqada qaranka isku jiidheen waxan ka codsan lahaa inay cafiyaan, maadaama uu maanta inaga hooseeyo, geeridiisana aynnu ku cibro qaadanno….

Eebbe godka ha u nuuro marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo in badan qaranka usoo shaqeeyey.