“Daggaalka dadka aaminsan fikirka calmaaniyaddu ay ku hayaan labadan nin oo ay u arkan cadow ablse bulshada badbaado u ah”
Waxa xulay dhalinyarada barraha bulshada fikir iyo afkaaro laga faafinayo barraha bulshada oo baryahan danbe aad usoo xoogaystay xadhkahana goostay kaas oo ku dhisan arragtida “Calmaaniyadda.”
Cilmaani: waxaan ku macnayn karnaa “qof hab-fikirkiisu nololleed ka fogy-yahay diinta”. haddii aan si kale u dhigno waa arragti : waa qorshe lagu doonnaayo in noollaha ama aaddamaha lagu maamulo cilmi loo dajiyey iyo caqli, lagana foggeeyo arrimaha la xidhiidha diinta iyada oo la rabo in laga dhaadhiciyo bulshada in fikirka xorta ahi ka wanaagsanyahay kan diinta. diintuna aannay la jaanqadi karin dawladnimadda casriga ah iyo noloshan ilbaxnimada la xidhiidha ee wakhtigan lagu jiro. si taas dadka looga dhaadhaaciyo waxaa sawir xun laga bixinnayaa wax kasta oo “Diinta Islaamka” la xidhiidha , tusaale ahaan culimada oo dhan waxaa lagu tilmaamayaa in ay yihiin arragaxiso , in ay dadka cabudhiyaan , waxaa dacaayaddo loo samaynayaa malcaamaddaha oo lagu tilmaamayaa goobo ganacsi, waxa ceeb loo samaynayaa wax kasta oo diin la xidhiidha, waxaa xataa lagu odhanayaa lacagaha badan ee inaga gala Masaajidada, inaga oo iskuulo ka samaysana ayaa ka faa’ido badan ama waxyaabo kale oo dan-guuda iyo Dawladnimo la xidhiidha . Hooggooda ee gormaa ayay guryihii ilaahay loogu cibaadaysan jiray ay ka faa’ido bateen “Tiyaatarada ” iyo dhulka lagu caweeyaa, maaxaase masaajidka loo beegsaday ee arrinka looga weeciyay dhismayaal badan oo aan dan iyo diintoona ku jirina.
Dadkan aan ka hadlayo waa dhalinyaro reer Hargaysa u badan balse iminka ololhooda gobolada oo dhan ku faafay, saamayn wayn ayuu ku yeeshay, sidii ay u gudbin lahaayeen arragtidaas ku dhisam calmaaniyadda.
Labbadan nin ee taswiirtood aan soo qaatay waa Yuusuf Shaacir iyo Cabdimaalik Muuse Coldoon waa labo nin oo ku addag Diinta isla markaana waxaan odhan karaa, waxay kamid yihiin inta fahmsan duulaankan ka yimi dalalka shisheeye ee ku fiiday caasimada Haragaysa iyo guud ahaan dalka ,baraha bulshadana xooga ku yeeshay baryahan danbe, marar badan ayay ka hadleen khatar ay leeyihiin calmaaniyiinta dalka ku sugani iyo arragtiyaha ay gudbinayaan, sir iyo caadba way inoogu sheegeen lkn wali lama baraarugin dagaalkaasna way ku kaliyaysteen , kooxahaas oo xoog kuleh “Baraha Bulshada” dad badana fikirkooda gaadhsiiyay , waxay duulaan ku qadeen labadan nin, waxay u samayeen daacayaddo iyo hadal-tiro lagu ceebaynaayo sawracoodda , sharftooda iyo dadnimadooda ilaa loo sameeyay sawiro iyo daacayado ay dad badan oo aan waxba fahmsanaynin iska dabayl-raaceeen Barraha Bulshada.
Weerarkii lagu qaaday maalmihii aynu soo dhaafnay Abwaan Yuusuf Shaacir, muu ahayn mid la xidhidhay reernimo iyo muqdisho ee wuxu ahaa daggaal ay soo qaaddeen dadka fikirkaa calmaaniga aaminsan oo ragan u arka cadawga kaliya ee hor istagi kara kuna ah caqabada , lakiin arrinkii markii danbe wuxuu noqday sidii Hees-Hawaleedka oo qof waliba dhinicii u rabay ayuu ula kacay, mid qabyaalad la doonta mid muxibada Somalilanimo madax martay oo isna dhinacaas dagaalka ka gala iyo qoladii awelba ciilka qabtay ee calmaaniyiinta oo dareenka dadka dilaala .
Dadka ugu badan ee ay fikirkan ka dhaadhiciyaan Waa haweenka iyo dhalinyarada, waliba kuwa waxbartay lagu tilmaamo in ay noloshii xorta ahayd gaadheen. iyadda oo kuwa kalena loogu hoga-tusaaleeyo in ay ka maqantahay xornimo nololeed oo sal-balaadhin isla markaana noloshooda diintu la xidhiidho ay tahay dib u dhac iyo xorriyad la’aan.
Dadka ugu badan ee fikirkan faafiyaa Waa Dad Qoraalka xiiseeya ama Qorraayaa, Garyaaqaano iyo dadkale oo ah team NGO -yo ah.
Tallo waxaan usoo jeedin lahaa culimada, dhalinyarada iyo bulshada kale in dadkaas aan xusay il gaar ah lagu hayo, culimada waxaan jeclaan lahaa in ay soo galaan “Social Media ” oo halkaas ay ka bilaabaan dacwada iyo toosinta dhalinyarada iyo sidii dadkaas calmaaniga aaminay bulshada looga badbaadin lahaa looguna tilmaami lahaa . Waxaan soo jeedinayaa in dadkaas lala galo dagaalo ku dhisan aqoon iyo qalin lana masaxo Calmaaniyadda ay ka dhex wadaan barraha bulshada.
Taladdayda ugu danbaysaa waxa weeye, ha baraarrugaan dhalinyarada barraha bulshadu oo dacwaddaa khaldan ee lagu fidinnaayo haka feejignaadaan, hana ka hortagaan, dadka aan ka hadlayo qof kasta oo barraha bulshada isticmalaa cid kamid ah ayuu garan donaa insha allaah.
Waxa Qoray. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi
Facebook. Mustafe Ahmed Geedi
WhatsApp. 0659555532