Madaxwayne Biixi: dhibanaha qaldan (WQ: Mustafe Kaydsane)

Madaxweynuhu duufaankii shalay shacabkuu ku canaantay in ay biyo mareenaddii magaalada awdeen, halkii uu u cudurdaaran lahaa ee uu dhihi lahaa masuuliyiinta shaqaddoodii dayacay waan la xisaabtamayaa.
Yaa inooga mas’uul ahaa qorshaynta iyo nidaaminta dariiqyayadda iyo biyo-mareennada ee aan ahayn dawlada-hoose iyo hawlaha-guud!
Muxuu markaa madaxweynuhu iyaga eeda ugala ordayaa, sow cibaaro ma aha!
Ilaahay amarkii markuu odaygu shacabka garta ku naqayey mas’uulintii shaqooyikooda dayacay way ag tubnaayeen iyadoo aad moodo milxiisyo madaxweynaha u sii galbinaya xaflad.

Waxan waayey madaxweynaha oo la xisaabtamaya xukuumaddiisa in uu difaaco mooyaane, inta badan na wuxu eeda kala cararaa isaga oo aan ka baaraan degin cida masuuliyadda leh. Wali lama arag cid musuq iyo shaqo xumo awgeed shaqada looga eryey!

Isla xisaabtanka wuxu ugu horeeyaa dhaqanka “dawlad-wanaaga”.

MarxuumQaldaan

Nabad & Caano