Xaalada Siyaasada UK (WQ: Abdillahi M Ali)

Xaalada Siyaasada UK:

Raysalwasaare Boris Johnson oo boqorada ka codsaday in baarlamanka UK ay galiso “Prorogation” oo ah in baarlamanka la galiyo fasax khasab ah.

‘Prorogation’ waa baarlamanka oo la galiyo shaqo joojin, iyadoo aan la kala dirin oo mudo cayiman ay soo noqdaan.

Talaabadan ayaa ah mid Boris Johnson ugu talo galay in mudo 5 todobaad ah oo uu ugu diyaargaroobayo mudada cayiman in ka bixitaanka EU ee UK uu meesha kasaaro cid ka hortimaad habka uu uga saarayo UK ee ‘No-deal’ Brexit oo ah haddiiba heshiis cad ay gali waayaan golaha EU ee ay UK ka baxayso, iyo in xukumada Boris loo qaado codka-kalsoonida oo burburinkara xukumada lafteeda.

Talaabadan Boqorada waa hab-sharciyeed sida lagaga hortagi karaa uun tahay mid maxkamadeed, waase mid lagu tilmaamay in lagu aamusiinayo xisbiyada mucaaridka ee UK.

UK waa dal nidaamkiisa dumuquraadiga ah kusalaysan yahay nidaamka Golo-Wakiilo Dumuqraadi ah – ‘Parliamentary Democracy’ kaas oo ay adagtahay in dawlad ama xukumadi baalmarto.

UK waxay gashay geedigii ugu buuqa badnaa ee ay ku wajahaysay maalinta ku beegan in ay EU ka baxdo ee loo asteeyey ee 31ka bisha tobnaad, oo ah maalin uu Boris Johnson u cayiman in uu UK dibada ka dhigo Midwoga Yurub – EU.