Laba wejiilaynta Imaaraadka! (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Laba wejiilaynta Imaaraadka !

Kuwaasaa dekeddaydii Berbera lagu wareejiyey oo ilaa imika lacagta ka soo hoyata Dubay loogu xawilaa, waxna aan ii qaban.

Kuwaasaa saldhiggii iyo garoonkii diyaaradaha ee Afrika ugu dheeraa la siiyey.

Dorraad ayay ahayd markii ay ciidamada dawladda Yemen ay gelelafeen kooxda yar ee imaaraadku taageero ee doonaysa in ay koonfurta ka gooyaan dalka intiisa kale.

Shalay ayay diyaaradaha Imaaraadku duqeyn baaxad leh ku simeen ciidamadii dawladda ee ay odhan jireen waannu aqoonsannahay isla markaana duqayntaa waxa la sheegayaa in ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 300 oo qof, waa shalay oo keliya !

Isla shalay ayay dawladda Yemen ee xabsiga sucuudiga kujirtaa cabasho u gudbisay Sucuudiga iyo Golaha amniga ee quruumaha iskood u middoobay.

Qaar halkan jooga ayaa weli doonaya in ay abeesadaas caano ka nuugaan !