DAAWO: Khudbaddii Madaxweynahu Ka Jeediyey Qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay qalin-jebinta dufcadii 16aad ee ka baxda Jaamacadda Hargeysa ayaa yidhi “ardayda, Jaamacada iyo Macalimiinta waalidiinta Wasaaradda Waxbrashada iyo qarankaba waxaan ku hambalyeynaya guusha maanta Somaliland gaadhay ee tirada intaa leeg oo wax baratay maanta ay qalin jabinayaan, hambalyadiina aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waanan ku faanaynaa waanan ku dhaadanaynaa”.

Waxaanu Madaxweynuhu khudbadiisa ku xusay oo uu yidhi “waxaan si gaara usii tahniyadaynayaa odayaasha da’ada ah ee maanta Master ka qaatay Jaamacada oo waliba qodobkii loo baahnaa qaatay ee xalinta khilaafaadka oo innagu badnaa waa Ilaahay mahadii oo waan u baahnayn, iyaga waa qolada ugu horaysa ee shaqo la siinayo.

hoos ka daawo muuqaalka:-  https://youtu.be/Mk90Sx_8b9M