Wasiirka Beeraha Oo Shaqaalaha Wasaaradda Ku Kormeeray Gudashada Waajibaadkooda Shaqo

Hargeysa – Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka cusub Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdikariin Aaden Cadde, ayaa Maanta kormeeray Xafiisyada Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Beeraha, ku-xigeenkiisa iyo Agaasimaha guud, ayaa kormeerkoodu salka ku hayay inay hubiyaan in shaqaalaha Wasaaradda Beeruhu dabaqeen amarkii ahaa in shaqadu bilaabmayso 7:30 subaxnimo isla-markaana soconayso illaa 3:00 galabnimo.

Wasiirka iyo Masuuliyiinta Kale, ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada Wasaaradda oo ay xaadir ku ahaayeen shaqaale-weynaha Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha iyo masuuliyiinta kale oo fulinaya amarka soo baxay Madaxweynaha JSL, ayaa shaqaalaha kula daardaarmay inay ilaaliyaan wakhtiga shaqada ee loo calaamadiyey.

Hore hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland oo fulinaysa amarka Madaxweynaha Qaranka, ayaa soo saartay wareegto shaqaalaha waajib kaga dhigaysa inay shaqeeyaan 8 saacadood, taasi oo ah waxa in la fuliyey iyo in kale uu kormeerkani salka ku hayey.

……..

Madaxa Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL

Cabdiqaadir A. Carab

Bandhige@gmail.com