Xaaladda Dacawallay waxa ay soo ahayd ilaa wakhti hore mid aan caga badneyn ku taagneyn nabaddeedu oo waxa ay u dhaxaysay laba beelood ee wada degan labada degmo Yoocaale iyo Xarshin dadkaasi waxa ay is dileen marmar badan oo ay ka dhasheen dhimasho iyo khasaarre. Xaaladdan imika taagan waxa ay ka soo bilaabantay beeraha u dheexeya labada degmo oo degmadda Yoocaale waxa ay doonaysay in ay dhul balaadhsi samayso, waxa diiday dadka dergaanka Xarshin ku dhaqan ee beesha Arab iyada la doonaayo in la mariyo waddo dheer oo kala xadaynaysa beesha Arab iyo beesha Ogaaden oo degan gobolka jarar ee ay xad wadaaga ah.
Dhammaadkii sannadkan ayaa waxa ay bilowday degmadda Yoocaalle in ay bilowdo dhul balaadhsi, maamulka degmadda oo ugu horeeyo gudoomiyaha degmada ayaa waxa uu dedaal dheer u galay sidii loo kala xadayn lahaa labada reer ee ood wadaagta ah hore na waxa ay u laahaayeen labadan deegaan xad oo ay dhigeen dawladdihii ka horeeyay dawladda imika jirta, dhawr jeer ayaa ay ka dacwoodeen degmadda Xarshin oo la isla tegay heer Deegaan waxba na waa ay ka fuli waayeen oo wax ba waa la isku afgaran wayay.
Arrintii iyada oo ay halkaas taagan tahay oo la is mari wayay ayaa waxa ay sameeyeen in reer ka soo jeedda beesha Yoocaalle ee Ogaadeen soo dego soonaha beesha Arab ee deegaanka Dacawallayu jirta 12KM, markii la wada hadlay waxa la isku afgaran wayay dib u guura iyo guurimayno. Hadalka ayaa ka taagtaagmay labada reer, muran iyo is jiidjiid xaalku waa lagu kala dhaqaaqay. Ugu denbayn kal fadhi waxaa la isla qaatay in la kala xadeeyo mar labaad reeraha. Waxa ay beesha Ogaadeen soo jeedisay in 3 kilomiter dib u guuraan beesha Arab, iyagu nawaa ay ka soo horjeesatay waxa ay diiday dhulbalaadhsigaas, waana lagu kala kacay arintaas.
Markii lagu kala kacay arintaas ayaa waxa beesha Ogaadeen reer ka mid ah ay soo degeen soonaha beesha Arab waxayna halkaas ka dhacay buuq waxa soo gaadhay Axmed Cabdilaahi hogaanka nabadgalayada degmada Yoocaale ahaa, markaasna doonayay inu arintan halkaas ka sii wado oo dadka waliba aanu doonaynin in uu xaliyo arinta ee isaga oo la safan deegaanka reerkiisa, damcay in u xagliyo reerkooga. Buuq kadib hogaanka oo ahaa nin hadal taagtaagan oo kibirsan ayaa la iskugu yimi goobtii reerka la soo dejiyay hogaankii waa la is af dhaafay, markaas ayuu xabad shacabkii ku furay waxaana halkaas lagu dilay hogaaankii isaga ciidankiisii waxa ay dhaawaceen shacabkii oo laba qof ah, ka dib na dhaawicii waa la qaaday. Wiil yar oo dhowr iyo toban jira oo ahaa inankii xabaddii ugu horeysay ee hogaanku ku dhcdo waxa loo qaaday Jigjiga, dhakhtarka weyn ee Rifiralaaka aya la dhigaya isaga oo lagu xidhay katiinad sariirtii uu dhaawaca ku ahaa. Ilmahaa yari dawleddiisa ayuu dhibane u yahay haddana isla dhaymadiisii ayaa la sii katiinadeeyay. Saas ayaa dhaymada loogu waday.
Intaas ka dib na marka ay xaaladdu sidaas u dhacday waxa loo yeedhay labadii reer ee Ogaadeen iyo Arab oo lagu wada hadashiinayay degmadda Araarso, waxa kasoo qaybgeli wayday beeshii kale ee ogaadeen oo markii hore ba dhul balaadhsiga doonaysay, intaas wixii ka danbeeyay waxa loo gudbiyay deegaanka oo xafiis madaxwaynaha ayaa la isla tagay dhamaan cuqaashii arab ayaa la kulantay madaxwayne Mustafe Cagjar kulankii waa uu soo dhamaaday beer walba oo ay ku soo hagaagto waddadu afka ha laga mariyo oo beerta ha laga duwo sidaas na arintaas ha lagu xalliyo waa ay qaadatay beesha Arab.
Intaas kadib waxa dhacay iyadda la doonaayay in meeshaas nabad lagu dhameeyo ayaa waxa yimi niman cagaf wada oo deegaanka ka yimi waxa ay bilaabeen in ay wado iska jeexaan oo ayna beesha Arab ogayn loona sheegin in ay tallaabaddii la isla qaatay fulinayso odayashii deegaanka Dacawalay ayaa tegay goobta waxa ay ku wargeliyeen in cagafta la joojiyo, waa laga diiday waxaana lagu amray in ay halkooddaas joogaan marka ay dhawr beerood oo Arab ku leeyahay jeexeen ayaa Arabkii rasaas ku furreen, si ay bal arintaas loo joojiyo markii la texgelin wayay oo wixii la isku ogaa ay meesha ka baxday halkaas, galabnimaddii ayaa la joojiyay dagaalkaas oo is rasaasayn noqday ciidankii Liyuuga ee cagafta wadayna waa ay joojeen.
Habeennimadii ayaa ciidan ka socda deegaanka oo Liyuu ahi yimaadeen Dacawaley oo ay dadkii deegaanka ku yidhaahdeen ha la joojiyo dagaalka oo nabad ilaalin ayaanu u soconaa, dadkii deegaankuna waxa ay sameeyeen in ay geel iyo adhi ku sooryeeeyaan oo nabada lagala shaqeeyo sidaas ay ku diyaargaroobaan dadkii deegaanku, habeenimaddii nabad ayay ku seexdeen dadkaasi. Subaxnimadii ayaa dadkii deegaanka waxa ay ku waabariisteen dagaal adag oo ay kusoo qaadeen ciidanka Liyuu Boolisku ku waxa la laayay dhamaan shacabkii aan waxba gallabsan ee dagaanka Dacawaley deganaa, dhimasho iyo dhaawac ayaa meeshaas ka dhacay, oo ay ciidanka liyuu plice ka gaysteen, markii dagaalkani dhacay waxa yimi deegaanka Dacawaley iyo Laanqayrta dhamaan cuqaashii beesha isaaq oo doonaayay in nabad la helo sidaas dadkaasi nabad ku doontaan, waxa loo balamay in deegaanka nabada ka shaqeeyo.
Khasaare dhan walba ah ayaa dhacay, dhimasho iyo dhaawac, maxaabiis iyo firxad. Iyada oo sidaas layahay oo la is hor fadhiyo ayaa cuqaashii, suldaamaddii, nabaddoonnadii, iyo wasiirol beesha Isaaqi dhan walba iskaga yimi si arrinku aanu intan uga sii durkin xaaladda na nabad lagu soo dabbaalo. Gogashii nabada iyadoo la goglay wada hadalkii bilaabmay beesha Arab lagu qanciyay in ay dagaalka joojiyaan nabaddana ka aqbalaan odayaashooda iyo wasiiradooda degaanka, way aqbaleen.
Dadkii ka yaacay degaanka rasaastu ka qaraxday waxaa loogu baaqay in ay ku soo laabtaan guryahooga. Nin walba na reerkiisii ayuu ku noqday iyo beertiisii. Maalinkii xigay hordhac nabaddaas ka dib 25kii bishan cuqaashii iyo nabaddoonadii iyo suldmaaddii dhaqanka weerar lagu ekeeyay gaadmo ah, salaad subax ayaa la soo wareeray odayaasha. Dadkii tuulada ayaa la galay haddana ee imika uun soo laba noqday,Dhaqankii ayaa la bahdilay oo falal aanay gayin loola tegay, ciidankoogii ayaa cadow ku noqday, gaal wuxuuna ka yeelin ayaa lagu sameeyay, Badh waa yaaceen, badh waa la qabtay, badh waa la xidhay. Intaas odayaasha waxaa garab socota in lagu handadayo inay all Shabaab yihiin, hadda waa dhaqan. Muuqaalo ayay ka duubeen iyagoo sidaas ula dhaqmaya, Gawaadhidoodii ayaa la bililiqaystay, Dacawalay ayaa ciidankii degaanku galeen, Dhegta ayay dhiig u dareen dadkii, Guryihii ayay gubeen, Dumarkii ayay dileen. Xoolihii ayay gubeen. Caruurtii ayay laayeen, Intaa ka dib na badhkood maatidii way kaxaysteen dumarkii iyo rag caaqilka beeshu ka mid yahay. Way xidheen,Halkaas waxaa ka dhacay waa gaboodfal iyo dad dawleddeedii gumaaday.
Ciidanka sidaas u dhaqmayaa degaannadaas ay maanta barakicinta ku bilaabeen waxay dadkoogu hiil iyo hooba la barbar joogeen markii dagaal ay cadowgooga iyo ammaanka degaanka khalkhalka galinaya la arko. Xoolaha nool iyo hantida kalamay bakheyli jirin. Se dadkii sidaas loo arkayay mar qudha ayaa cadow iskugu rogay dadkiisii,Waa uu laayay dadkiisii.
W/ Q mubarik hassan mohamed
Bandhige@gmail.com