𝐉𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐥𝐢𝐬 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐧𝐬𝐢𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐚𝐲𝐬𝐭𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐚 𝐔𝐥𝐭𝐫𝐚𝐬𝐨𝐮𝐧𝐝-𝐤𝐚 𝐔𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚

Jamacadda Gollis ayaa xaflad shahaado-guddoonsiin ah u qabatay 15 dhakhtar oo dhammaystay tababar gaar ah oo ku saabsan barashada tiknoolajiyadda ultrasound-ka, oo lagu baadho uurka iyo xanuunnada kale ee dumarka ku dhaca (Obstetric and Gynecology Ultrasound).

Xafladdan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax ka tirsan jaamacadda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis, Mudane Siciid Maxamed Axmed, hormuudka kulliyadda Daawada iyo Qalliinka Dr Cabdinaasir Maxamed Muxumed, dhakhaatiir iyo marti-sharaf kale oo muhiim ah. Munaasabadda ayaa ujeeddadeedu ahayd in lagu sharfo dhakhaatiirta dadaalka dheer u galay inay helaan xirfad dheeraad ah oo muhiim ah si ay ugu adeegaan bulshada, gaar ahaan dhinaca baadhitaanka caafimaadka dumarka.

Tababarkan, oo socday muddo saddex bilood ah, waxa uu isugu jiray laba qaybood: qayb theory ah, oo lagu baranayey aasaaska ultrasound-ka iyo fahamka xanuunnada dumarka iyo qayb practical ah, oo dhakhaatiirtu si toos ah ugu tababaranayeen isticmaalka qalabka ultrasound-ka iyagoo adeegsanaya kiisaska dhabta ah ee caafimaadka.

Waxa tababarkan bixiyay Dr. Maxamed Ibraahim Cali, oo ah khabiir sare oo ku takhasusay Sonology, kuna qalabaysan aqoon heer sare ah oo PhD ah. Dr. Maxamed ayaa inta uu tababarka waday diiradda saaray sidii dhakhaatiirtu u heli lahaayeen xirfado wax-ku-ool ah oo ay si hufan ugu adeegaan bukaannada.

Ugu dambayn, dhakhaatiirta ka qaybgalay tababarka ayaa mahad ballaadhan u soo jeediyay Jamacadda Gollis iyo Dr. Maxamed Ibraahim Cali, iyagoo ku tilmaamay barnaamijkan mid muhiimad weyn u leh xirfadohooda shaqo iyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada. Jaamacadda Gollis ayaa balanqaaday inay sii wadi doonto bixinta tababarro tayaysan oo kor loogu qaadayo xirfadaha caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee bulshada.

 

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐥𝐢𝐬.

Bandhige@gmail.com