Dil Toogasho Ah Ayaa Lagu Dilay Salwan Momika

Warbaahinta Sweden , ayaa xaqiijisay in lagu dilay toogasho ka dhacday guriga uu degganaa Salwan Momika oo ah qaxooti ka soo jeeda Ciraaq oo marar kala duwan gubay kitaabka Qurโ€™aanka kariimka ah. Toogashada ayaa ka dhacday xaafadda Sodertalje ee koonfurta caasimadda Sweden ee Stockholm ,xilli Momika oo nacayb badan ku abuuray bulshada Islaamka uu ku jiray muuqaalka tooska ah ee TikTok , markaa oo rag hubaysan ay guriga ugu galeen iyagoo ku furay rasaas uu markii dambe u dhintay, sida ay booliiska sheegeen.