Aroortii waxa la furi jiray irridaha qollaalka aanu ku jirro sideesa subaxnimo, waqtigaas oo loo bixi jiray quraacda maxaabiista. Waxaanu saf u geli jirnay laba xabbo oo roodhi moofa ah iyo koob shaaho bigays ah, qofkastaana wuxuu qaadan jiray giraamkiisa. Coldoon subax kasta waanu wad quraacan jirray roodhida nala siiyo ayaanu ku googoosan jirray hal sinxi halkaas ayaanu aroor kasta kuwada quraacan jirray. Xabsiga iyo xadhiga xaqdarrada ah waanu ku qanacsanayn.
Saddexda waqti raashinka Xabsigaa lagu samayn jiray, tobanka subaxnimo waxa la qaybin jiray laba mallaas oo faracad iyo digir laysku dhex kariyay, qof kastaa intuu ku rito caah daboole ayuu dhogan jiray sariirta madaxiisa si caweyska ugu casheeyo. Kolka goorsheegtu gaadho koob iyo tobanka duhurnimo, waxa la qaybin jiray laba malgacadood oo bariis isku dhex karis ah, biyahana qof kastaa wuxuu lahaa caagad shan litir qaad ah oo uu dhaansan jiray. Kolka duhur la eedaamo ayaa dub naloogu xerayn jiray qolaalka aanu degenayn illaa berri subax waaberiga.
Subax kasta kolka aanu quraacanno waxa aanu u bixi jirray aniga iyo coldoon daarada dhexe ee Xabsiga oo uu ku yaal garoon lixdan mitir dhererkiisu yahay, halkaa ayaanu ku samayn jirray socod jimicsiya illaa saddex saacadood. Xabsigu nolol ahaan wuu ka wanaagsan yahay saldhiga waxaanu leeyahay xuquuq aasaasiya oo maxbuusku xaq u leeyahay. Nadaafad, maydhasho jimicsi qofka doonayaa illaa afar saacadood ah.
Xabsiga dhexdiisa waxa aad ka helaysaa timo-jare, dhar-tolis, dukaamaysi kooban, waxa alaabaha muhiimka ah ku dhex iiboya maxaabiista qaar ka mid ah oo haysta jeeblayaal marfashkoodu yahay sariirta ay seexdaan madaxeeda. Ciidan ahaanna aslaabuutu waa dad wanaagsan oo garanaaya maxbuuska xuquuqdiisa iyo xaqiisa.
Waxaanu ku sheekaysan jirray Coldoon wareegga socodka illaa 3 saacdood subax kasta. Waa nin himilo fog oo hab fikirkiisa ka ballaadhan yahay inta weriye caadiya. Waa hal-abuur suuganyahan ah oo maansooyinka dareeriya, wuxuu ku allifay hees ka warramaysa saaxiibtinimada, waxuu u sameeyay niman wariyayaal reer Buro ah oo ay saaxiib ahaayeen markii uu xoriyadda haystay balse adayacay.
Xabsigii wuxuu ka bilaabay abaabul weyn oo aqoon korodhsi, wuxuu bilaabay fasal arday ah oo luuqadda carabiga si mutadawacnimo ah lagu baraayo maxaabiista Xabsiga. Dhiirogelin weyn iyo wax sheegmo ayuu ballaysimay, waxaanu ku dhiirigeliyay qof kastaa in uu baran karo cilmiga da’kasta ha joogee, waxa is diwaangeliyay illaa konto arday oo u hammuum qaba aqoon korodhsi. Wuxuu soo iibiyay samuurad, qalimo iyo buggaagta bilawga ah ee Af-carabiga. Waxa aad u caawiyay Taliye xigeenka Xansiga Cabdi laba-jir, askari ka dhego nugul oo ka ixtiraam iyo wanaag badan ma arag Taliyaha, baahi kasta oo suuragal ah wuxuu isku dayi jiray inuu fiyo maxaabiistana aanu dhibin ee uu dhaqaaleeyo.
Coldoon wuxuu sameeyay dadaal weyn oo la mahadshay, Xabsigii waxa ka bilaabantay rejo iyo nolol cusub waxaabad moodda in waa cusubi beryay. Maxaabiista waxa gashay yididiilo, markii hore waqtiga waxa la gelin jiray ciyaaro qolaba ay jaad ciyaaraysay, dubnad, turub, laadhu, shax iyo sheekaysi. Marqudha waxa la joojiyay dhammaan masbquulkii waxaana loo jihaystay waxbarasho iyo aqoon korodhsi. Waxa iyaguna duruus hore waday wax ka dhigi jiray xabsiga macallimiin maxaabiisa oo muddo shan iyo toban sano ku xidhnaa Xabsiga. Macalin Farxaan ayaa dhigi jiray Tafsiirka quraanka oo aan ka dhigtay laba jis Tafsiirkood. Waxa is qabsaday dabkii iyo dadaalkii lagu kobcinaayay aqoonta.
Wuxuu kaga duwanaa barayaasha kale Coldoon maddaale dadaal badanbuu ahaa, keli-keli, wadar-wadar iyo qof-qof ayuu wax ugu dhigi jiray oo aanu marna u daali jirin. Waxa intaa u dheeraa wacdi iyo waano uu ka dhex waday maxaabiista, nin qof kasta of duruuftiisa oo kaalmo badan buuu ahaa, wuxuu ku dhiirigelin jiray maxaabiistu in ay is caawiyaan oo ka taagta daran la taageero lana xannaaneeyo layskana war hayo. Wanaagiisu wuxuu gaadhay baloovyada kale oo had iyo jeer nasoo booqan jiray maxaaboistoodu, Jimcayaashana waxaanu ugu tagi jirray baloog-yadooda si aanu usoo booqanno.
La soco ………………….