Murti Laga Reebay Dad Maangal ah, Q.4aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

=” Wakhtiyada nabadda lagu nool yahay wiilashu waxa ay aasaan aabbayaashood, laakiin xilliyada dagaalku uu qarxo aabbayaasha ayaa aasa wiilashooda”. Herdotus

= “ Waddankeenna waxa ka jira laba nooc oo tuugo ah: tuugo yar yar oo ay ciidanka ku xoonsan yihiin si loogu ciqaabo falka ay ku kaceen iyo tuugo waaweyn oo ciidanka qudhiisu ay ilaaliyaan si dhac loogu geysto hantida qaranka. Lama garanayo cidda tidhi.

=” Saaxiib kasta oo cadow isu beddelaa wuxuu ahaa mid si qarsoon kuu neceb oo aan jecleyn in aad guulaysato laga soo bilaabo maalintii koowaad ee aad is barateen”. Tupac Shakur.

=” Basharka qaarkii waxa ay u muuqaadaan kuwa jidh ahaan mugdi ah oo loo arko in ay yihiin kuwa xun balse xaqiiqada dhabta ahi waxa ay tahay inay xambaarsan yihiin qalbi hodan ah oo aan si fudud lagu heli Karin”. Nelson Mandela

= “ Rajee natiijda ugu wanaagsan, qorshayso in ay had iyo jeer dhici karaan waxa ugu xun, iskuna diyaari wax walba oo kedis ah hana ka joogsan hadafka aad ka leedahay nolosha ilaa aad ka xaqiijiso”. Denis Waitley

=” Dadku ma aha kuwa had iyo jeer adiga ku taabcsan ama kuu nacamleeya, waxa keliya ee ay kuu jajaban yihiin marka ay kuu baahan yihiin. bal u fiirso goorta ay is-beddesho dantii ay kaa lahaayeen, waxa gebi ahaanba yaraada qiimaha aad agtooda ka joogtay iyaga oo ilaawa in berrito mugdi noqon karto baahiduna ay tahay mid aan dhammaad lahayn”. Gibran Khalil Gibran

=” Haddii aad doonayso in aad barato shicib kasta oo caalamka ku nool eeg baarlamaankooda iyo dadka metala xukuumadda, ka dib waxaad ogaanaysaa shicibka mudan in ubax dushooda la sudho iyo kuwa u cuntama in kab lagu garaaco” Winston Churchill.

= “ Qof ka adkaada inuu xakameeyo waxa ay naftiisu jeceshahay wuxuu ka geesisan yahay nin cadowgiisa ka guulaystay, maxaa yeelay libinta ugu adag waa midda aad ka gaadho naftaada marka aad ka qaalib noqoto in ay kugu hogaamiso dhaldhalaal kasta oo nafta soo jiidanaya”. Aristole

= “ Marka keligii talisku yahay mid ay ficilladiisu muuqdaan laguna beegsanayo dadka shicibka ah indhahooda iyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka jira, kacdoonku waxa uu noqdaa mid xalaal ah oo mudan in hal dhinac looga soo wada jeesto sidii awooddaasi loo burburin lahaa”. Victor Hugo.

= “ Dadka aqoontoodu yar tahay wax badan ayey hadlaan waxayna ka gudbaan xuduudda inta ay garanayaan oo cilmi iyo xaddaaradba leh, halka kuwa aqoonta badan leh ay ka hadlaan wax yar kuna cabbiraan aragtidooda hadba mowduuca markaasi laga doodayo”. Jean-Jacques Rousseau.

= “ Musuqmaasuqu wuu ka xun yahay dhillaysiga maxaa yeelay dhillaysigu waxa uu fasahaadiyaa akhlaaqada hal qof, halka musuqmaasuqu uu waxyeello darran u geysto guud ahaan shicibka iyo qaybaha kala duwan ee ay xukuumadu ka kooban tahay”. Carl Gustav Carus.

= “ Lama helayo dareen farxadeed oo ka qurux badan in qof kale uu kaaga waramo guulaha uu ka gaadhay nolosha isaga oo carrabka ku adkeynaya in adigu aad tahay sababta ugu weyn ee keentay in horumarkaasi ku tallaabsado”. Mark Twain.

= “ Insaanku waxa uu wax ku bartaa laba xaaladood oo kala ah: in aad wax badan akhrido ama in aad la saaxiibto qof adiga kaa caqli badan”. Will Rogers.

= “ Raaxada meesha ugu sarraysaa waa marka aad la fadhiisato qof ku neceb oo in badan ku xanta haddana kuu muujiyo goorta uu kula fadhiyo inuu ku jecel yahay, oo waxa ay kaaga filan tahay in ag joogaaga uu sumcad ka raadinayo awoodna aad u yeelatay in aad u beddesho munaafaq fulay ah oo aan fagaaraha ka hadli Karin marka ay xaajadu ku adkaato”. Gibran Khalil Gibran

 

= “ Haddii aad mujtamacaaga u samayso waxqabad gaadhaya boqolkiiba sagaashan iyo sagaal oo wanaag ah balse aad la timaado hal khalad, dadku waxa ay illoobaan wanaaggii aad samaysay wayna qariyaan iyaga oo si weyn u buunbuuniya khaladka yare e kaa dhacay”. Imaamu Shaafici.

=” Innagu isma dhiibayno, waan guulaysaneynaa ama waa dhimaneynaa ilaa aan ka xorowno cadowga oo jiilka maanta nool iyo kan mustaqbalka dhalan doono ay sharaf ugu noolaadaan”. Cumar Al-Mukhtaar.

=  “ Waxa aan had iyo jeer naftayda weydiin jiray sababta aanay dadka wanaagsani ifka ugu waarin, waxaanse goor dambe ogaaday in adduunyadu tahay meel la isku imtixaano dadkaasina ay ku baaseen tijaabadii ugu adkeyd nolosha sidaasina lagu oofsaday ruuxdooda si loogu abaalmariyo wanaaggii ay horumarsadeen”. Ahmed Khaled Tawfik.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

La soco…………………………