Sh Nuur Baarud Gurxan Caalim Faafinta Diinta U Soo Halgamay (WQ: Dr. Axmed Buxane)

Waxaa iigu horeysay aragtida sheekha maalin anigoo jooga dhakhtarka weyn ee digfeer oo ardayda kuliyadda  cafimaadka lagu tababari jiray aniguna arday bilow ah ka ahaa waagaa dhamaadkii 1988 kii, waxaa ay inhdahaygu ku dhaceen gadhigii Ciidanka asluubta ee dheeraa oo laga soo dejinayo  rag cullimo ah oo wada waayeel ah ,hadana dhamaan gacmaha iyo lugahaba waxaa kaga dhegana katiinad waxaana isu hayay katiinadaha gacmaha iyo kuwa lugaha silsilad weyn, dabadeed waxaan anigoo is leh ogow ragani waxa ay yihiin (curiosity), kolkiiba tegay goobtii isbitaalka ee loogu tala galay maxaabiista soo xanuunsata in la dhigo, oo ward gaar ahayd. Maadaama aan arday ahay dharkii dhakhtarkana xidhanahay waxaa la ii ogolaaday inaan xoogaa la joogo, askartuna Shaqaalaha Caafimaadka aad bay u ixtiraami jireen.

Qol waxaa ku jiaray laba sheekh oo wayeel ah, sheekhna wuu indhala’aa, sheekha kalena maba kici karin gadhkuna aad buu ugu badnaa cirro badan iyo xabadxabad madow buu lahaa, waxaa isku kay qaban waaday nin indha la’ oo sidaa u xidhxidhan iyo mid kiciba la’ oo isna sidaa ah, kolkaasaan askarigii waydiiyay war maxay ahaayeen markaasuu si dhib yar iigu jawaabay waa cullimadaii dilka ku xukunayd weyna xanuunsan yihiin.

Dabadeed Dr. Cali Bashe oo dhakhtarka ku takhasusay indhaha ahaa kuuliyaddana macallin ka ahaa iyo Dr. Cali Xasan (AHUN) oo isna waqtigaa uun qalinjebinayey, ayaa igaga soo horbaxay coridorka la sii mari jiray, markaan u shegay in rag culimo ah la keenay isbitaalka ayay inay ogyahayihiin una socdaan ii sheegeen, waxaanan u sii raacay hadana ilaa ward-kii mar labaad, dabadeed way salaameen culimadii sariirta soke waxaa jiifay Sh. Nur Barud ta ku xigtana waxaa jiifay Sh Xashi colhaye Kaliil. Dabadeed markay Dr. Cali Bashe u warameen ayuu askarigii ka codsaday in katiinadaha laga dabciyo madaama aan loogaga baqayn baxsi da’dooda awgeed, se akarigii wuxuu sheegay sidani amar tahay, lakiin uu codsi u qori karo cidii halkan keentay ee saraakiisha sare ah.

Dr. Cali wuxuu iga codsaday adeer adigaa fudud ee ka caawi kolba waxay u baahdaan, Dr. Cali xasanna is caawiya askartana anigaa idiinku sheegi inaad bahda caafimaadka tihiin e.

Dabadeedna cilmadu waxa ay ugaga baahdaan dibeda sida Rashin iyo Hu’ba waan u keeni jirnay. Sh Nur dhib badan ayuu ka qabay xagga caloosha suuligana aad buu ugu noqnoqon jiray isagoo katiinadaysan, mar dambe ayay askartii naga aqbaleen in sidan loo dhaamo culimada wax badan bayna noo ogolaadeen, oo way ka fureen katiinadihii,

Qolka lawada dhigay Sh Nur barud iyo Sh Xashi colhaye waxaa yaalay afar sariirood labada sheekh mooyee waxa ku sii jiray laba maxbuus oo la kala odhan jiray Tima jilic  iyo cabdulaahi yare waxaa tima jilic ii sheegay inuu ka mid ahaa jabhadii SSDF qaybtii reer Xaaji saleebaan dhaawacan hadda uu u jifay waxa uu gaadhay isagoo is leh jeelka ka bood waxaana aad u burburtay lugta bidix rasaastii ku dhacda awgeed,  maxbuska labaad oo ahaa Cabdilahi yare oo isagu maqaarku aad uga bukay nabaro badana lahaa, wuxuuna ina sheegay inuu ciyaalkii ceelgaabta dadka ku dhibi ka mid ahaa sidaana lagu soo xidhay. Waqti yar ka dib C/lahi waxa uu ka booday daaqada dabqii digfeer inuu dabaqa 3aad ahaa baan u malayn, wuuna baxsaday.

Sh Nur wuxuu aad buu ugu fiicnaa wada sheekaysiga iyo kaftankaba, qof aad u furfuran buuna ahaa, aad baanan isku baranay. sidoo kale Sh. Xashi colhaye oo aan is waraysanay ayaa aqoonsaday Aabahay waxanu ii sheegay inaan qaraabo nahay.

Waqti aan kolkaa kasii durugsanayn ayaa xabsigii la keenay Sh Maxamed macallin Xasan oo aad u dhiban. Sheekhu dhibka uu qabay waxuu ahaa, waxaa naburro aad u culculus ku dhuftay nin isna maxbiista ka mid ahaa oo intuu sheekha wax walba ku dhuftay markuu sheekhu miyir doorsoomay iskaga tagay, cidina aanay ka qaban. dadka qaar waxay odhan jireen arrinkaasi mu’aamarad buu ahaa in sheekha la dilo ayaa la qorsheeyay. sidaa awgeed Sheekhu dhib badan buu qabay wajigiisa oo dhan barar ayaa qariyay, feedhaha wuu ka caban jiray, isaga qol gaar ah ayaa loo helay, katiinadana kumay xidhnaan jirin.

Isla maalmahaana waxaa isna xabsiga la keenay Sh Xasn Dahir Aweys oo isna xanuunsanaa. Hadaanan ilowasanayn nabar caloosha ah ayaa hayn jiray inuu dhiig matagi jiray baan u malayn.

Aniguna Subax kasta marka ardaydu tegayso Fasalada ayaan ka soo yara horayn jiray si aan bal u ogaado waxay ku baryeen culimadii, intaan u adeego ayaan ka gaadhi jiray hadana fasalka, maadaama ay kulliyada Caafimaadka iyo dhakhtarka jaamicadu digfeer isu jireen wax aan ka badnayn 50m kaliya.

Culimada waan waraysan jirnay maalin kastaba iyagana waxay u ahayd kurbada oo laga faydayo maadaama iyaga mooye cid dibeda ka timaada aanay is arkayn. Laakiin Su’aasha ka jawaabdeedu fajacisada igu ahayd waxay ahayd.

Maxaad samayseen ama la idinku eedeeyay ee aad xukunka dilka ah ku mutaysateen? Jawaabtu waxay ahayd noo kala saara waxanu samaynay iyo waxa nalugu eedeeyay. Anagu kutub iyo Duruus diiniya ayaanu akhriyaynay umamadana u bayaaminaynay kitaabkooda Qur’aanka iyo sunnada Nabigooda (SCW), weliba wax mucaaraid ah maanaan noqon kumana aanan hadlin, waxaase nalugu eedeeyay inaanu diinkale keenay, nabigana diidnay (SCW), una shaqayno dawlado shisheeye, dawlada soomaaliyeedna aan duminaynay sidaasaa dulmi iyo waxaa aanaan naqabn hadana dil toogasho ah naloogu xukumay.

Sh. Nur Barud isagoo dhibkaa qaba hadana dikrigu afkiisa kama madhnaan jirin, markaaan u nimaadna wuxuu ahaa qof aragtidiisa iyo ficiladiisu kuu kordhinayaan iimaan iyo islaamnimo. Culimadaasoo taahaysa am acid u cabanaysa ma aanan arag.

Markay culimadii Dhamaan caafimaadeen ayaa dib loogu celiyay Jeelkoodii, muddo yar ka dibna dilkii waa laga joojay, cafis baana loo fidiyay, waa la soo wada daayay, waxaana la odhan jiray dawlada Sucuudiga ayaa Siyad Barre ka codsatay inu culimmada dilkooda iska daayo wuuna sii daayay.

Intii dagaaladu Koonfurta ka aloosmaeen Sheekha isma aanaan arag laakiin waxaa uu ilaa laba jeer noogu yimi Hargeisa isaga oo la socda gudiyadii siday taakulayntii ay dawlada federalka iyo shacabka koonfureed ku taageerayaeen walaalhooda Somaliland ee abaarha ba’ani ku dhufteen ee 2016 iyo duufaantii Sagar 2018kii.

Dhamaan cllimadaa inta dhimatay Allah ha u naxariisto, dambigoodiina ha dhaafo, janooyinkiisana ha ku casumo, diintaa ay usoo halgameena abaalkeeda allah ha siiyo, aamiin aamiin.

Waxaa Qoray

Dr. Axmed Buxane

(MD.  MPH. MGE)