Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ma cadaw baa mise waa nin fudud? (WQ: Faysal Cabdi Rooble)

R/W Abiy Axmed oo maanta bartiisa Twiterka ku soo qoray srin mugugo leh ayaa sheegay in Karmardha laga dhisi doono taalo lagu maamuusayo geesiyadii jabiyey weerakii ciidamadii shisheeye ee Siyaad Barre iyo duulaankii Soomaalida.

Arintani waxay gaf ku tahay (1) taariikhda Soomaalida; (2) xornimadoonkii dhicisoobay ee 1977, iyo (3)  arintani waxay lidi ku tahay wadajirka qowmiyadaha.

Federaalka Itoobiya waxa uu ku dhisanyahay in qowmiyad kasta taariikhdeeda iyo soo jireenka iyadu ka taliso. Waxay arintani si dadban u tilmaamaysaa in madaxda Soomaalida ee PP ku biirtay aanay talowadaag la lahayn R/W Abiy.

Yuhuuhda iyo Falastiin dhibka ugu weyni ee dhextaal waxa uu yahay, marka laga yimaado arinta dhulka, sida taariikhda loo qorayo. Yuhuudu sibay wax u rabtay. Falastiina si kale.

Taariikhda Geeska Afrika Abiy si buu u arkaa, ana si kale. Diiday in aan tiisa qaato. Isna ii ogolaan waan in aan tayda ka taliyo. Waana la isku dhibanyahay!

Duuduub ahaan, walee taguug aan aqaanay ma daahiro; walee kuwii awowgay addonsaday aabahayna dillay ismadooriyaan.

Xil ayaa ka saaran Madexda Soomaalida ee DDS in arintan u howl galaan.