Saamaynta Itoobiya ee Gobolka iyo Caqabadaha (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Saamaynta Itoobiya ee Gobolka iyo Caqabadaha

Isbeddellada Itoobiya ka socdaa waxa ay Itoobiya ku wadaan in ay noqoto xoog siyaasadeed, dhaqaale iyo milateri oo hadheeya waddamada gobolka Geeska Afrika, awoodna ku yeesha Afrika, haddii ay ka samata-baxaan isirrada gudaheeda ka ilmo-roganaya ama duleedkeeda indhaha dareenku ka buuxo ku soo eegaya.

Marka la eego xawliga uu ku socdo kor u kaca dhaqaale (10% sannadkii) waxa uu Itoobiya siinayaa tamar cusub oo kor loogu qaadayo tayada nolosha dadkeeda 100 ka malyuun ka badan iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

Laba mashruuc oo waaweyn ayay Itoobiya hadda waddaa.

1. Biyo-xidheenka Afrika ugu weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam oo laga hirgeliyey gobolka Benishangul-Gumus ee webiga Blue Nile meel 40 km bariga kaga qumman Suudaan.

Labada waddan ee Masar iyo Suudaan waxa ay nolosha dadkoodu si toos ah ugu tiirsan tahay biyaha webiga Blue Nile ee ka soo rogma buuraleyda Itoobiya.

Saamaynta biyo-xidhaankaasi labadan waddan ku yeelanayaa waa mid welwel ku haysa xukuumadaha waddamadaas iyo bulshooyinkooda.

2. Dib u dhisidda ciidamada badda ee Itooboya oo dhowaan laabta ka soo kacday waa arrin kale oo iyana muujinaysa saamaynta tuunbada ku soo jirta ee Itoobiya ee gobolka.

1955 ayaa la dhisay ciidamada badda ee Itoobiya. 1996 ayaa la kala diray ka dib markii Eritrea ka baxday midowgii Itoobiya 1991, Itoobiyana noqotay dal badda ka xidhan.

June 2018 ayaa Axmed Abiy dib boodhka uga tumay in dib loo soo nooleeyo ciidamada Itoobiya isla markii uu noqday ra’iisal wasaaraha, saamigana uu ka helay mashruuca shirkadda DP World ee casriyeynta iyo ballaadhinta dekedda Berbera iyo Berbera Corridor.

Itoobiya waxa ay 95% wax uga soo degaan, ugana dhoofaan Djibouti oo leh deked casri ah. 18 markab oo ganacsi ayaa Itoobiya u jooga Djibouti oo leh jid tareennadu raacaan oo taga Itoobiya.

March 2019 waxa mucaahado dhex martay Itoobiya iyo France lagu dhisayo ciidamo badeed oo karti leh, casrina ah oo ay Itoobiya yeelanayso.

Sida ay Suudaan iyo Masar dareenka cabsida leh uga muujinayaan biyo-xidheenka webiga Blue Nile ee Itoobiya, si la mid ah ayay waddamada Soomaaliya iyo Eritrea na dareen uga qabaan dib u dhisidda iyo xoojinta ciidamada badda ee Itoobiya.

Arrimaha gudaha ee Itoobiya ee qolyaha isbeddelladu fooraagembiyeen ee kacsan sida Tigreega ama Axmaarada ama qolyaha waddaniyaddu madaxa martay ee Oromada ama qoomiyadaha Koonfurta ayaa hunjaalli kale ama caqabad ku noqon kara geeddiga isbeddellada Axmed Abiy marka laga yimaaddo dareennada cabsida huwan ee Masar iyo Suudaan oo dhinac iyo Soomaaliya iyo Eritrea oo dhinaca kale ah.

No photo description available.