Madaxweynaha Jsl Oo Kormeer Iyo Xadhig Ka-jaris Ku Sameeyey Mashaariic Kala Duwan Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Burco

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray dhismeyaal cusub oo laga hirgeliyey xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Burco, isaga oo  kuwo cusubna xadhigga ka jaray.

Madaxweynaha oo ku gudo jira maalintii shanaad ee safarka shaqo ee uu ku joogo qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa ugu horrayn kormeeray xarunta dawladda hoose ee Burco oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, hool weyn oo loo dhisay xarunta taliska ciidanka qaranka ee gobolka Togdheer, isaga oo xadhigga ka jaray garoonka kubbadda Cagta Alamsey Stadium oo dhismihiisa iyo qalabayntiisa la dhammeeyey, dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka ciidanka booliska ee xarunta taliska gobolka Togdheer iyo dhismeyaal casri ah oo lagu kordhiyey Huteel Kaafi ee magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta kala duwan ee xarumaha dawladda ee uu kormeeray iyo kuwa uu xidhigga ka jaray, kuwaas oo si hufan u faahfaahiyey dedaalka ay ugu jiraan inay casriyeeyaan goobaha ay masuulka ka yihiin, si loo daboolo baahiyaha kala duwan ee goobahaas ka taagan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa isugu soo baxay jidadka waaweyn ee magaalada, waxana ay si kal iyo laab u soo dhaweynayeen madaxweynaha iyo weftigiisa hawlaha shaqo halkaas u jooga.

Halkan Hoose ka daawo Muuqaalka:       

 

 

 

Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 10 people, people smiling, people standingImage may contain: 9 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: outdoorImage may contain: 9 people, people smiling, foodImage may contain: 10 people, people standing and outdoorImage may contain: car and outdoorImage may contain: one or more people, sky, crowd and outdoorImage may contain: 10 people, people standing, wedding, suit, tree and outdoorImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sky and outdoorNo photo description available.Image may contain: 6 people, people smiling, outdoorImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: table and indoorImage may contain: sky, cloud, tree, house and outdoorImage may contain: 10 people, people smiling, people standing and outdoor