Sadex faaiido oo xukuumadda ugu jira in xeerka isgaadhsiinta wax laga bedelo (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

1. Xukuumadda cable la keenayo xukuumadda ahaan share baa ugu jira, tàas oo qayb ka noqonaysa shirkadaha maalgashanaya.

2. Mar haddii isku danno laga dhigay shirkadihii tartanka adagi ka dhexeeyey, waxay xukuumaduna uga faaiidaysanaysa in isku xidhkii telefoonaddana ee dhanka wada hadalka lagu amro inay fuliyaan si dadku u wada hadli karo.

3. Sidoo kale talaabadan waxa looga faaiidaysanayaa inay ogolaadaan mishiinkii qiimaynayey cashuurta ku waajibtay isgaadhsiinta oo muddo badan diidanayeen in dalka la keeno.