Sannadka milaadiga ah ma la isu tahniyadayn karaa? (WQ: Rashiid Odowaa)

Kowda January ayaa u calaamadsan Bilowga sannadka Cusub marka la eego (Gregorian Calendar) waxa loogu magac daray Pope Gregory XIII kaas oo lagu beddelay Calendarkii ka horeeyay oo la odhan jiray (Julian Calendar) Waxa uu ahaa Boqorkii xukumi jiray Romaanka BC 153 kii waxa markii ugu horraysay loo dabaal degay 45BC maanta Gregorian Calendar waa ka ugu badan ee la isticmaalo

Dhaqamo kala duwan iyo siyaabo kala duwan ayaa loogu dabaal degaa sanadka cusub.dad badan ayaa u haysta maalintii uu Nabi ciise dhashay lakiin maaha waa wax la sameeyay oo Boqorradii Romanku bed-bedeli jireen marka ay doonaan.

Haddii aan dib raacno magacyada bilaha Calendarka  Gregorian waxa uu ka yimid Sanamyo,magacyo dumar iyo Tirooyin waxanad fahmaysaa inay ahaayeen wax kolba sida la doono laga dhigo oo loo bedelo waxay Noqonayaan sidan;-

1-January=Ilaaha(Sanam) bilowga ee samada ilaaliya

2-February=Ilaaha Cadada ama dayaxa buuxa

3-March =Wuxu ka yimid Maars oo ah ilaaha dagaalka

4-April  =Ilaha Quruxda , Jacaylka iyo geesimada

5-May = Mayoos ama Maia waxay ahayd ilahad(Sanam) xiliga beeraha

6-Juun =Waxay ahayd ilahad (Sanam) Gabadh boqorad oo Roman ah

7-July =Boqorkii la odhan Jiray Julius Caesar

8-Ougost=Boqorkii ku xigay Julias Caesar ee ahaa inankiisa

9-September=Waa bisha 7aad in kastoo ay imika ku jiro 9aad

10-Octobar=Waa bisha 8aad in kastoo imika ay ku jirto 10aad waa xiliga Guga

11-November=Waa bisha 9aad in kastoo ay ku jirto 11aad

12=-December=Waa bisha 10aad inkastoo ay imika ku jirto 12aad

Somalidu waxa ay lahaan jireen Sannad cusub oo la odhan jiray (Nayruus) ama Dabshid waxa la samayn jiray inta dab la oogo ayaa loo tuuri jiray jihooyinka iyadoo laga ducaysanayo belaayooyinka iyo wixii dhib la Socda sanadkaa Cusub Abwaankii Somaliyeed waa kii lahaa

 Dabshidkii hadduu galo ayaa dhuxulihii daadin

Almadar duug ma reebtee tolow dumarkii yaa Guursan

 Waxa kaloo jirta Sanadka Cusub ee Dayaxa isaguna  ka jira Bariga Asiya iyo Koonfurta Aasiya waxay ku sallaysan tahay Dhaqanka shiinaha waxa uu ka bilaabmaa 21 january waxa la shidaa Laydhadh kala duwan iyo masas waaweyn oo Samays  ah waxana la soo bandhigaa Diimaha iyo dhaqamada shiinaha iyo dalalka  xidhiidhka dhow la leh shiinaha.

Waxa kaloo jira Sanadka Cusub ee India,Japan,Burma,Cambodia iwm in ka badan 40 sannado cudub ayaa loo dabaal degaa dhamaan Sanadahaas cusubi waxay ku sallaysanyihii waxyaabo dhaqan uun ah ama diimamaha baadilka ah ama waa wax ku sallaysan xilliyada beerashada Gu iyo jilaal iwm waxana ugu caansan kan Miiladiga ee reer Galbeedku sitaan kaas oo noqday wax ay dadka ku duufsadeen kana dhaadhicieen dad badan.

Taariikhda islaamku ma laha wax shaki ah ee waa 12 bilood ee sanadka waxanu ku dhici kartaa xilli kasta oo Gu ama jiilaal waxa uu ka soo bilaabmaa markii Nabigu (SCW) ka soo baxcay Maka ee u haajiray madiina,sidaas darteed maadama aynu nahay Muslim waxa inoo fiican inaynu isu tahniyadayno halka aynu wax gaalo soo walaaqday aynu isticmaalayno.

Sidaas awgeed Sanadkan miilaadiga marka laga reebo taariikh ahaan oo dunidu dhamaan la qabsatay iyo Mushaharka oo lagu qaato mooyaane waxa uu la mid yahay uun sanadaas faraha badan ee la qabatimay dhaqan ahaan,Sideedaba waxa la inoogu jideyay wakhtiga inaynu ku kala garanoo Sanadaha iyo bilaha Sidaa awgeed ma mudna in Xaflado loo sameeyo iyo in la isu tahniyadeeyo midna.waayo waa wakhti macsi badan la sameeyo iyo dunuub taariikhda ay ka timidna waa kuwaas Sanamyada laga soo min guuriyay.

Wa billahi towfiiq

Rashiid Odowaa

rashidsalan@gmail.com

063-4101213