Sheekadii Saca iyo dhalinyaradii reerPakistan! (WQ: Maxamuud Warsame Ruush)

HAL XIDHAALE KU SOCDA AQOONYAHANKA

Haday aqoontaadu ku tusto inaad dhexsocoto meesha u dhaxaysa garta iyo gardarada aqoontaasi maxaa la yidhaahdaa?

SHEEKADII SACA IYO DHALINYARADII REER PAKISTAN

Niman dhalinyaro ah oo wax ka baranjiray Jaamacadaha Pakistan ayaa waxa usoo gashay Ciidii Odxadii, waxayna ku tashadeen inay neef adhiya qashaan, marka waxay go`aansadeen inay iska ururiyaan lacagtii ay kusoo iibsanlahaayeen neefkaa adhiga ah, nin ka mida ragii akhyaarta ahaa ayaa loo yimiday arinkii neefkana loo bandhigay,  horta isagu sidiisaba muu rabin in Wan la qasho ciida, hadana nin reer magaala buu ahaayoo muu rabin inuu raga si  badheedha u diido, wuxuna ku yidhi: Waar nimanyow wanka inaga daaya oo sac inooga dhiga waanan idinku jiraa hadii sac la qalayo. Ardayduna Wan uunbay awoodaa!

Marka waxa jira dad aan rabinba waxa umaddu rabto, hadana aan qiranayn, umaddanna ku mashquuliya waxaan la gaadhi karin si aan loo qaban waxa yar yar e lagu gaadhi karo waxa wayn.

Aqoonta aan fahmayn in la qabto waxa yar si loogu gaadho waxa wayn iyadana maxaa la yidhaahdaa?