Somaliland iyo Xoojinta Adeega Caafimaadka Qaranka (WQ: Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”)

Dhacdadani waxay tusaale u tahay heerka uu yahay adeega caafimaadka Somaliland weliba xili ay ahayd in abaabul iyo dardar la geliyo si looga hortago, inta karaanku yahay COVID-19. Hadii ay run tahay warbixintani marka cisbatalkii ugu waynaa dalku aanu lahayn adeeg u diyaarsan oo heegan u ah (24/7) ka hortagga cudurkan aynu weli ka sahlan nahay dalka intiisii kalena maxaynu ka fili karnaa weliba haddii khatarta cudurkani ay sii korodho, Ilaahay idankiisa sii kordhi mayso eh? Waddamadii waawaynaa ee dunida sida UK iyo USA ayay adeegyadoodii cafimaadku (National Health Service) la ciireen oo ay xejin kari waayeen ka hortagga faafista cudurkan.

Somaliland ka hortagga faafista cudurkan waxad moodaa in ay awoodii isugu geysay qaadka oo ay mamnuucday si aanu dalka u soo gelin, haddana la og yahay in xukuumaddu ay u taag la’dahay oo tirada la qabto ee la gubaa aanay ka badnayn 10% halka i90% ay dalka soo gasho maalin kasta. Dalka Jabuuti waxa lagu amaanay inu yahay dal yar oo si aad u fiican u wajahay ka hortagga faafista cudurkan. Waayo waxa ay qaadatay in mudnaanta ay siiso sidii ay ku talisay Hay’dda Caafimaadka Aduunka (WHO) ee (TEST TEST TEST). Hadaba si ay taasi ugu suurtogasho waxay mudnaanta siisay xoojinta iyo diyaarinta adeegga caafimaadka (NHC) ilaa ay baadhistii gaadhsiisay xaafadaha ilaa guryaha, iyadoo qaadkii aan joojin oo aan isku mashquulin dagaalkiisa sida ay Somaliland yeeshay. Jaadka laftiisana waxay ka abbaartay, sida la yidhi dhinaca kala-durugga bulshada oo waxay mamnuucday isu keenidii uu jaadku dadka badan goob ku kulmin jiray. Markaa anigu waxan is leeyahay labadan istraatajiyadood waxa haboon ta dalka Jabuuti oo ah (more effective and more efficient). Markaa Somaliland wax ha ka barato Jabuuti ayaan ku talinayaa ilayn wax baa la kala faaiidaystaaye.
Somaliland dadka laga baadho COVID-19 waa dad tiro yar oo u badan kuwa ka soo gala xuduudaha Cir, dhul, iyo bad. Sida aan filayo tiro ahaan kama badna ilaa hadda 200 oo qof oo 12 qof oo laba ay u dhinteen la xaqiijiyay. Marka aan eego dhinaca adeegga caafimaadka ee Somaliland waxan is leeyaha dhaliisha ugu wayni waa Waaxda Cudurada Faafa ee Wasaaradda Caafimaadka oo aan dhisnayn. Waaxdaasi hadii ay dhisan tahay iyada ayaa noqon lahayd hormoodka dedaalka ka hortagga COVID-19 oo dhamaan adeegyada caafimadka ee u gaarka ah ka hortagga faafista cudurkan oo dhamina ay hoos tegi lahaayeen, hadii qaab ahaan dhiskeedu u jiri lahaa ilaa heer qaran ilaa heer gobol iyo degmo.. Waayo adeegyada caafimaadka oo dhami gaar uma noqon karaan COVID-19 oo cuduradii kale ayaa jira oo ay la tacaalaan iyagu cisbataladda dawladda iyo goobaha adeegga caafimaadka ee kale, kuwa dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba.

Heerka ugu hooseeya ee baadhista COVID-19 waa eegista xummadda qofka oo lagu eego aalada thermometer-ka oo laga yaabo in tiro badani ay ilaa hadda soo gaadhay laakiin midhadh yar oo keliya uun laga isticmaalo. Looma baahna in ay dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal caafimaad oo keli ahi ay dadka ku baadhaan ee waxa la tusi karaan dad badan oo mutadawiciin ah oo markaa qofkii ay xummaddiisu kacsan tahay uun talo loo sheegay siin kara. Waaba inta caamka ah ee fariinta caafimaadka ku jirta. Baadhista heerka labaadna sida aynu sahaashadaha Tvgaba ka daawanno waa qaadista dheecaanada afka iyo sanka oo iyagu u baahan qalabka eegista ( test equipment) oo dabcan shaqaale caafimaad oo u tabobarini ay qaadaan ilaa iyo hadda lakiin lama xaqiijin tirada dalka taal iyo inay ku filan tahay iyo in kale. Dadka la xaqiijiyo in uu hayo cudurku intooda badani waxa laga yaabaa in xaaladoodu ay sahlanaato oo isbaxnaanin uun ay u baahan yihiin gueyahoodana ay isku karantiimayn karaa, hadii ay xaaladoodu cuslaato oo neefsigu dhibana ay garanayaan goobta caafimaad ee ugu dhaw ee ay la xidhiidhi karaan. Dadka aan iyagu awood u lahayn in ay isku karantiimaan guryahooda ee u badan danyarta waa in loo diyaariyo goobo karantiimo oo haboon, gargaar intii la karo in loo diyaariyana waa lagama maarmaan. Daka xaaladahoodu ay culus yihiin (serious cases) ayaa ah kuwa u baahan oxygen-ta inta qof ee loo heli karo runtii lama garan karo laakiin waa in lagu talogalo inta ugu badan ee la heli karo.

Haddii aynu eegno qaabka hadda inoo jira ama loogu talogalay ka hortagga KOVID-19 waxaynu og nahay in Madaxwaynuhu uu magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ka Hortagga Faafista COVID-19 oo ka kooban wasiiro tiro badan oo malaha dhawr iyo toban wayn ah, guddomiyana uu u yahay Madaxwayne Xigeenku, Mdane Zaylici oo runtii aan la qeexin xilkooda. laakiin aan is leeyahay marka laga tago siyaasadda guud waxay qaban karaan ama ka taageeri karaan adeegga cafimaadka qaranka (National Health Srevice) dhinca abaabulka iyo awood dhiska laakiin maaha in iyagu ay bedelaan. ee waa inay kaabaan. Markaa sida saxa ah kaalinta guddidu waxan leeyahay waa (ASSIST THEM BUT DON’T REPLACE THEM). Sidaa daraadeed looma baahna in tirada wasiiradu ay ka bataan 5 lagu xoojiyo 3 dhakhtar oo si gaar ah looga soo xalay dhakhaatiirta Somaliland ama xil ha hayaan ama yaanay haynin eh. Markaa guddidu 8 xubnood iyo Guddoomiyaha oo Madaxwayne-xigeenka ah wixii ka badan looma baahna ayay aniga ila tahay. Sidaa daraadeed kuligeenba cidda aynu taageerayna ha noqoto Wasaaradda Caafimaadka oo hormood ka ah Adeegeena caafimaadka ( Narional Healrh Sevice), hadii kale ta la kulantay Hani iyo ka sii daran uun weeye waxa laga filaa.

Anigu dhakhtar ma ahi taladaydu maaha tu dhinaca caafimaadka iyo dhakhtarnimada ee waa tu aqoontayda shakhsi iyo waayoaragnimadayda ah oo ku saabsan ( Organization , Communication And Management Support for Somaliland National Health Service)