Fayraska Covid-19 ayaa kusii fidaya Somaliland, iyadoo tirada kiisasku ay gaadhay 40 qof. dhimashaduna ay ko u kacday
Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa warbixinta maalinlaha ah ee Fayraska Covid-19 ku shaacisay in maanta tirada dadka laga helay ay tahay 6 qof, iyo hal qof oo u geeriyooday xanuunikan.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta dalka.
Tirada dadka uu haleelay Covid-19 ee Somaliland ayaa gaadhay 40 qof waxaanay dhimashadu maraysaa ilaa hadda 5 qof.
Bandhige@gmail.com