Lixda Tiir ee Aasaasiga u ah Aqoonta: Imam Al Shafici (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Cilmiga ha laguu dhigee, Caqliga kaashabaa la yidhi!

Lixda Tiir ee Aasaasiga u ah Aqoonta, Imam Al Shafici:

 

1. Maskax-furan: waa hibo Illaahay bixiyo, waana la kasban karaa haddii waqti loo huro – ma ogtahay xadhiguba in uu jaro/gooyo dhagaxa?

 

2. Qalbi furan: waa in aqoontu noqoto arrinta ugu weyn ee qalbigaagu ku mashquulsan yahay. Mid ka mid ah aqoonyahankii hore ayuu nin bilaa camal ahi ka codsaday in uu istaago, wuxuu ku yidhi, haddii aad cadceedda ii istaajisid, waan kuu istaagi!

 

3. Dedaal: in waxa aad haysatid oo dhan aad gelisid sidii aad yoolkaa u xaqiijin lahayd.

 

4. Hanti: In aad haysatid hanti kaa caawisa gaadhidda yoolkaaga.

 

5. Macallin wanaagsan: Sunnaha nolosha ayay kamid tahay in la helo macallin iyo arday. Rasuulkeenii suubbanaa SCW wuxuu Illaahay u soo diray macallin Jibriil.

 

6. Cimri dheer oo Illlaahay ku siiyo: Arday badan oo waqtigeenan jooga oo aqoon yahano ahi waxay jecel yihiin mudada ugu gaaban in ay ku gaadhaan darajada ugu sarreysa ee aqoonta.

 

Climigan dib u heego dhaca, cilmigan dul ka xaadiska ah

cilmigan sama dawdarka ah, caqligu ka daboolanyahay

bukaankiyo daafka qaba, gumaysigu diin u yahay

Ilaah lagu diiddanyahay, Islaam la dagaallanka ah

danaysigu weel u yahay! Daba Huwan, Hadraawi