Tacsi iyo Tahniyad: Xadhigga Coldoon iyo Farriin ku socota Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Tacsi iyo Tahniyad: Xadhigga Coldoon iyo Farriin ku socota Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Tacsi: Saw ma tihid Boos Mire Maxamed Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland
Tahniyad: Haa, waan ahay, adigu yaad tahay?
Tacsi: Aniga waad iska kay garan, arrinka aan kuula socdo ayaa ka weyn inaad i garato. Kollay illaa 2000 deris ayaynu ahayn.
Tahniyad: Bal haye, aashaa hadal
Tacsi: Wasiir kollay waadigii garan waayay Garaxajis-bari, saw wasiirkii Habar Yoonis-bari ma tihid
Tahniyad: Lixdan jir baan ahay oo weli Garaxajis-bari ma maqal, waan ka yaabay raggii Goof ka hadlay. Habar Yoonis-bari waan ahay, laakiin kursiga qaranka ayaan ugu fadhiyaa. Reer kama wakiil ahi.

Tacsi: Oo haddii aanad Habar Yoonis-bari metelin, maxaad Ceelafweyn ka qabanaysay? Miyaanad markaas metelaynnin Habar Yoonis-bari oo aanad heshiiska Idarays (Sacad Yoonis) iyo Baho (Biciide) ka qaybgelin?
Tahniyad: Dee cid hawsha iga furata ayaan waayay. Sacad Yoonisna inaan nabadda ku qanciyaa daw bay ahayd. Waajibkaas waan gutay. Magta ayaanu u kala qaadaynnay.
Tacsi: Markaas ma kolka dagaal dhaco ayuun baad Habar Yoonis-bari meteshaa. Qaranka waxaad ugu xilsaaran tahay Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Maxaa kaa galay hawsha Caarre adiga. Caarre ma ciyaal baa mise kubbad ayuu ciyaarayaa? Ma maalin mag la kala qoranayo ayaa lagu arkaa.
Tahniyad: Dee sawkan qasaya gobolkii Sanaag ee aan Wasiirka u ahaa. Waa in aan fawdada joojiyo. Dee waa sharci magtu.

Tacsi: Sanaag ka kaalay, miyaanu xil kaa saarnayn Sacad Yooniska Hargeysa jooga?
Tahniyad: Adiga imakaan ku gartay, miyaanad Garaxajis Galbeed ahayn maxaad noo dhex cararaysaa?
Tacsi: Waan ahay, dayaca Garaxajis-bari in aan kaala hadlo ayay ka fursan weyday, weliba hal qof
Tahniyad: Waa kuma kaasi?
Tacsi: Cabdimaalig Muuse Coldoon
Tahniyad: Ma kii xukuumadda ku sheegay taliska, ee dugsiga caalamiga ah caayay?. Sawtii waajibkiisa la mariyay ee 3.6 loo dhiibay.
Tacsi: Xukunkaasi wuu dhacay, wuxuu yidhina wuu yidhi. Imaka xal ayaa lagaa rabaa inaad keento oo aad odayayso
Tahniyad: Xal noocee ah?

Tacsi: Ka soo qor madaxweynaha cafis oo dhegta wax ugu sheeg
Tahniyad: Madaxweynuhu ma jecla in la sii daayo ninka qaranka ku gefa. Waa arrin adag. Ninkaas meel adag ayuu ka taagan yahay. Ma nin qaranka u xidhan ayaa qabyaalad lagu sii daayaa?
Tacsi: Annaga oo qaranka u xidhanba qabyaalad iyo heshiis qoys baanu ku baxnay. Qarannimo iyo qabyaalad waa in uu mid uun ku soo baxo. Waar niyaw ama odayo Garaxajis-bari ah u gee, ama keligaa u tag, waa hawl kuu taalla. Haddii kale arrimaha Sacad Yoonis ka bax.
Tahniyad: Arrimahee?
 Tacsi: Hawsha Caarre iyo Nabadda Ceelafweyn. Haddii aanad Cabdimaalig Muuse Coldoon soo deyn karin, wallaahi inanad arrimahaa maalin dambe soo hadal qaadi Karin.

 Tahniyad: Odayadiisi maye, aniga ayaa madaxweynaha u ballamin doona?
Tacsi: Adeerow nabadda iyo xaaladda qasan ayay ku jeedaan. Badhna xabsiga ayaa lagu guray. Weliba Cabdimaalig keligii ma xidhna. Mukhtaar Sheekh Xuseen ayaa Alxarbi 4 gu’ u xidhan, Daauud Saalax Iidle oo raggii la kiiska ahaa la sii daayay ayaa illaa 2004 xidhan.. Sidaas ayaad ku rabtaan in Caarrena sharciga la mariyo miyaa oo gudaha la dhigo..
Tahniyad: Wallaahi waa run, in aan ka gaabsado Caarre iyo Ceelafweyn ama aan Cabdimaalig Muuse Coldoon sii daayo weeye. Dee laakiin intaas oo nin ma sii deyn karo’e, maxaad culayska keli ii saaraysaa. Miyaanu Xildhibaan Bukhaari joogin?. Ta kale, waa maxay warbaahinta aad igala soo hadlaysaa, miyaad ii timaaddid aan faqno’e?

 Tacsi: Wuu joogaa Xildhibaan Bukhaari, mooyi in uu dhaameel iyo mooshin ku jeedo. Raadi oo is raaca. Intaad muraayadaha dallacatay ayaad leedahay miyaad ii timaaddid. Inta farriimood ee aad dhegaha ka furaysatay ayaa badan.. Bal kol aan xaflad, xaafad ama xafiis kaa eegto, waan ku soo raadin. Xaajadaa sida aad ka yeesho ayaa inoo dhex ah.
Tahniyad: Wallaahi waad i xujaysaye bal madaxweynuhu xashka ka yimaaddo, xogta aynu kala qaadanno, dee innagoo xan is dhaafsanna ayaa sidan ka qurxoonayde, bal aan oo wada xidhiidho, taleefankayga kollay cid uun baa kuu sheegi.

Tacsi: Bal waayahaye, waa inoo xilli iyo xarun aan cayinnayn.. Haddii aad wax furdaamin weydana, bulshada ballankeenna og waan ku warcelin doonaa..
Tahniyad: Shaydaanka naar, aan is aragno insha Allah.

Tacsi: Diyaar baan ahay haddii Alle qaddaro