Tobanka hoggaamiye ee dunida ugu da’da yar iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Dalka Finland ayaa goordhaweyd yeeshay Raysal Wasaarihii ugu da’da yaraa oo ah qof dumar ah. Raysal Wasaaraha cusub, Sanna Marin waxa ay hoggaamin doontaa xisbiga Social Democrat.

Dawladda Finland waxa wadaag ku noqon doona shan xisbi oo afar ka mid ah ay hoggaaminayaan dumar soddon jirro ahi. Adduunyadu halkaa ayey maraysaa.

Dalal farabadan oo adduunka ahi waxa ay u soo noqonayaan cilmi-baadhiso maskaxeed oo sheegaya in da’da yar maskaxda wanaagsani ku hoos jirto. Intaa waxa dheer in da’da yar ay la socoto fogaan arag, karti, tamar badan iyo shaqo jacayl.

Hoos ka akhriso tobanka hoggaamiye ee dunida ugu da’da yar oo Sanna Marin ay hoggaanka u hayso iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan:-

1. Sanna Marin  34, Prime Minister of Finland.

2. Oleksiy Honcharuk 35, Prime Minister of    Ukraine.

3. Kim Jong-un 36, Supreme Leader of North Korea.

4. Nayib Bukele 38, President of El Salvador.

5. Jacinda Ardern 39, Prime Minister of New Zealand.

6. Fritz-William Michel 39, Prime Minister of Haiti.

7. Tamim bin Hamad Al Thani 39, Emir of Qatar.

8. Jigme Khesar Namgyel Wangchuck 39, King of Bhutan.

9. Carlos Alvarado Quesada 39, President of Costa Rica.

10. Xavier Espot Zamora 40, Head of Government of Andorra.

Waxa nasiib-darro ah in aan qaaradda aynnu ku nool nahay aaney cidi kaga jirin.

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud