Dab-ridka Maxamuud Xaashi iyo dareenada ku xeeran

Ka dib markii uu wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ku dhawaaqay inuu loolan u geli doono sidii loogu dooran lahaa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa waxa saaxadda siyaasadda hadheeyay dareenada ka dhashay banaanka uu siyaasigani u soo baxay.

Siyaasigan oo ka mid ah aasaasayaashii xisbiga KULMIYE, balse hadda aan ka tirsanayn guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbiga toona, ayaa waxa damaciisa ka jawaabay guddoomiye-xigeenka xisbiga Axmed Cabdi-dheere oo Maxamuud Xaashi ku gacan saydhay damaciisa, hoosna u dhigay rajadii uu qabay ee ahayd inuu la wareego odaytinimada xisbigaas.

Dadka siyaasadda indho-indheeya ayaa aaminsan in sababta Maxamuud Xaashi wakhtigan ku dhalisay inuu hankiisa cadeeyaa tahay diyaar garow uu muddo waday oo uu aakhirkii u arkay inay muhiim tahay inuu banaanka u soo baxo, cadeeyana damaciisa siyaasiga ah.

Waxa iyana suurtogal ah in Maxamuud oo arkaya jidka qodxaha badan ee ka horeeya, uu doonayo inuu farriin u diro taageerayaashiisa si aan ugu yaraan mustaqbalka loogu canaanan inaanu hankiisa siyaasadeed soo bandhigin. Maxamuud Xaashi ayaa lagu tilmaamaa siyaasi fahan wanaagsan ka haysta siyaasadda dhaqanka ah ee gudaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa u muuqda inaanu ka warqabin dhawaaqa Maxamuud Xaashi, marka laga reebo hadal haynta taageerayaasha Xaashi ay ka wadeen baraha bulshada.

Inkastoo ay jawaabta Axmed Cabdi-dheere u muuqato mid uu la qabo ama ugu yaraan aanu diidanayn Madaxweyne Biixi, haddaan waxa iyana la sugayaa mawqifka rasmiga ah ee Madaxweyne Biixi oo ay dad badani aaminsanyihiin inay u dhowdahay dareenka Axmed Cabdi-dheere. Haddii uu Xaashi ugu yaraan wargelin lahaa Madaxweyne Biixi, waxa uu ka badbaadi lahaa warmo badan oo hadda ku socda.

Mustaqbalka siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi ee xisbiga KULMIYE, ayaa inkastoo ay siyaasadda wax iska bedeli karaan, haddana waxa muuqata inuu u bilaabmay wakhti siyaasadeed oo adag oo leh culayskiisa.

Haddii uu Maxamuud Xaashi ku sii adkaysto damaciisa, siina waddo ololaha ay taageerayaashiisu baraha bulshada ka wadaan, waxa suurtogal ah inay kala durkaan Madaxweyne Biixi.

Maxamuud Xaashi, uma wanaagsana inay siyaasad ahaan kala durkaan Madaxweyne Biixi oo haya awoodo badan oo siyaasiya oo haddii ay isku dhacaan sababi karta in si fudud saaxadda KULMIYE looga saaro.

Dad badan ayaa iyaguna aaminsan inuu ugu dambayn guddoomiyaha golaha guurtidu dhexgeli doono Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi, iyadoo uu guddoomiye Saleban hore u dhexdhexaadiyay aragtiyihii Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi oo wakhtigaas ku kala fogaaday murashaxnimada xisbiga KULMIYE.

Si kastaba ha ahaate xisbiga KULMIYE ayaa caan ku ah loolanka dhex mara siyaasiyiinta ku abtirsada, kuwaas oo uu dhex maro mid ka mid ah loolanada siyaasadeed ee dalka ugu adag, waxaana muddo aan dheerayn la heli doonaa natiijada baaqa uu diray Maxamuud Xaashi.

Xigasho:- geeska Afrika