Waa maxay macnaha erayga Flagrante ee inta badan madaxda Booliiskeenu isticmaalaan? (WQ: Guuleed Axmed Jaamac “Dafac”)

Waa maxay macnaha erayga Flagrante ee inta badan madaxda Booliiskeenu isticmaalaan?

Eraygaas Flagrante wuu ii soo cawday. Wuxuu yidhi nin yahow kumanaan sanadood ayaan jiray. Af aad u raagay ayaan ka soo jeedaa. Hadana sidaas oo ay tahay dalkiinu si qaldan ayuu ii adeegsadaa maxaad uga hadli wayday? Waxaan iska dhego tiro cabashada Mr. Flagrante, maanta ayay ila noqotay inaan idin la wadaago qoladiisa. Waana sidan:

Flagrante delicto waa luqadda Laatiinka. Wuxuu ka kooban yahay labada eray oo micneheedu noqonayo Flagrante oo ah holac ama gubasho iyo Delicto oo ah dembi. Af Ingiriisaga waxaay ku yidhaahdan “caught red-handed.” Waa qofka oo la qabto isaga oo markaas faraha dembi kula jira. Eraygu waa fal hada dhacaya (present active participle) waa ololayaa oo kale. Kuma jirto markaa wax la diyaarinayo ama soo socda. Matal waa qof la qabto isaga oo tooray dabada u haya qof kale.

Sharci ahaan markaynu dastuurka eegno waxa ka hadlaya qodobka 25(2) oo u dhigan sidan: “Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi.”

Maxa dembi ah waa waydin kale oo malaha ku haboon goobta. Iyana dastuurka ayaa ka jawaabaya. Qodobka 26aad: “Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.”