Qaab-dhismeed ka Bulshada Somaalida (WQ: Caynaan Farax Caynaan)

Ma lihin wadaniyad ina midaysa, waxa se, aynu leenahay hab u abaabulan beelaysi, mana aha laba meel wada imman kara waxana arintan tusaale inoogu filan in aynu ku dufaacno khalad iyo saxba inta aynu isku haybta nahay oo aynu ka soo horjeesano cida kale xitaa haddii ay iyagu inaga saxanyihiin.

Haddii aynu yeelan lahayn wadaniyad ina midaysa, waxa inoo fududaan lahayd in aynu si dhaba ula xisaabtano niddaamka markaa jira inagoo leh dano ina mideeya oo ah in la helo adeega aas-aasiga ah ee bulshada sida wax-barasho tayo leh, caafimaad, wadooyin,biyo iyo laydh.

Maqnaashiyaha arintani waxa ay fursad siisay inta badan hogaanada dalka oo inagoo aan haysan ama ay inaga maqan yihiin dhammaan adeega aas-aasiga ahi in aynu hadana marka wax laga sheego si uu wax u hagaajiyo ay ina damaqdo sidee wax looga sheegaa masuulka aanu isku haybta nahay.

Mana jirto arin doqoniimo oo aan ahayn adoo baadi-goob ugu jira helitaanka lacagtii ay kaa rabbeen macaliiminta carruurta iskuulka u dhigaa, hadana aad dhaliishiisa diido cidii masuuliyada arintan lahayd, xitaa isagoon ama iyadoon ku aqoon kana war-qabin duruufta aad la nooshahay, waxa se aad u dufaacaysaa kaliya ay tahay anogoo reer Z ah lanama dhaliili karo, hadaba si arintan looga baxo waa in bulshadu ogataa in ay iyagu isku dan yihiin si ay u helaan waxa kaga maqan niddaamka oo anay ku garab galin abtirsiimo.

Waanay adagtahay, in aynu hannano horumar habboon ilaa iyo inta aynu u noolnahay sidan, waa se arin muhiima in ay bulshadu dareento in ay wadagaan dano mideeya oo taabanaya duruufahooda nololeed meshay doonaan ba dalka haka joogaane, wana hubaal cida aynu rabno in ay inaga inoo adeegaan in aynu ka eegno danaheena iyo duruufaha ina mideeya oo aynu meel iska dhigno abtirsiimada ah in uu bulshada ka adeegto inaguna aynu u noqono dhibane aan war loo hayn.

 

Qore: Caynaan Farax Caynaan.