Shuruucda banaanbaxa sharciga ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Waa xaq muwaadinku leeyahay banaanbaxa salmiga ah,xorriyadda hadalka iyo raโ€™yiga waxa damaanad qaadaya dastuurka JSL qodobkiisa 32 faqraddiisa 1,2,iyo 3aad

Sidaas oo ay tahay wax kastaaba xad ayay leeyihiin banan baxuna shuruuc loo maro ayuu leeyahay ee maaha iska dhaqaaq uun,

1- Waa in fasax looga qaattaa xukuumadda dalka ka talinaysa qasab maaha inay ogolaato waayo waxa loo eegi karaa xaalad markaas taagan,xukuumadda ayaana xog ogaal u ah xaalad kasta oo jirta.

2- Haddii ay ogolaato waa in masuuliyiinta wattaa banaanbaxa ay saxeexaan wax kasta oo dhibaato ka dhalata inay dushooda tahay tallaabona aanay la qaadayn.

3- Waddamada qaarkood lacag ayaa laga sii dhigaa masuuliyiinta banaanbaxa watta.

4- Masuuliyiinta watta mudahaaraadku waa inay sheegtaan halka ay socodka ka soo bilaabayaan,qiyaasta dadka ay wattaan iyo halka ay socokooda ku dhamaanayo,si loogu diyaariyo ciidamada garab soconaya oo xattaa dadka banana baxaya amaankooda sugaya.

5- Dadka banan baxaya waa inaanay qaadanin wax ka badan cunto iyo sharaab ay cabbaan marka ay daalaan.

Haddii intaas aan kaga gudbo shuruudaha banaanbaxa oo aad u badan lakin aan soo koobay,waxan ku xigsiin doonaa dhowr sababood oo aan banana bax uga dhici Karin Hargeisa.

1- Iyadoo dadkenu aanu aqoonin banaanbaxa ee markaba uu isu beddeli karo,rabshad taas oo aan dan u ahayn nabadda sida adag loogu soo tabcay.

2- Iyadoo waddooyinku aad cidhiidhi u yihiin oo aanay jirinba waddo socod lagu mari karaaba,oo baaburrta iyo dadka luagynayaa buux dhaafiyeen meel kasta,taasina ay mushkilad ku keenayso dadweynaha.

3- iyadoo Somaliland cadow badan leedahay oo ay ku farxi karaan ama ku dhiirran karaan iska hor imaadka dadka reer Somaliland.

Sidaas darteed anigu waxan soo jeedinayaa in la iska laabo gabi ahaan wax la yidhaa banana bax,oo wada hadal lagu dhamaysto wax kasta oo jiraba.

Rashiid Odawaa