Waayo- Aragnimo: Maxaa loola Jeedaa, Maxayse muhiim inoogu leedahay? (WQ: Liibaan Ismaaciil)

Maxaa loola Jeedaa, Waayo- Aragnimo?
Maxayse muhiim inoogu leedahay waayo aragnimadu?

Waxaan rabaa in aan si kooban u dul istaago, labadaa weydiimood ee aan xaga sare ku xusay, marka aynu maqalno waayo aragnimo waxa markiiba maskaxdeena ku soo dhaca fasiraado kala duduwan, sidoo kale marka aynu damacno in aynu ogaano sababta ay waayo aragnimadu muhiim inoogu leedahay guud ahaan nolosheena iyo horumarkeenaba dad iyo dalba.

Waayo-Aragnimo! In kasta oo aan isleeyahay ma jirto fasiraad la isku waafaqsan yahay marka la rabo sharaxaada waayo-aragnimada, oo dadka qaarna ay ku fasiraan in ay tahay soo qabashada shaqooyin kala duduwan halka dadka qaar kalena ay ku macneeyaan, u soo joogitaanka waayo badan. Si kasta oo ay ahaataba,

Dulucda weedhani waxa ay ku soo ururtaa uun in qofku usoo noolaa muddo badan oo uu nasiib u helo marxalado kala duduwan la soo tacaalisteeda midaasi oo uu kula dabaasho caqabadaha iyo jaanisyada mustaqbalka soo wajaha. Dhinaca dhaqanka marka aynu dib u jaleecno, waxa aad ogaanaysaa in qofka masuuliyad la rabo in loo dhiibo nooca ay doontaba ha ahaatee in shuruudaha ay ka mid ahayd in la eego intee in leeg ayuu waayo arag yahay xigmada ka dambaysaana ay tahay si waayo aragnimada qofku u miisaanto culayska masuuliyada uu qaadayo.

Si kale hadaan u dhigo, waayo aragnimadu waa awood qofka aadamaha siisa tamar uu naftiisa iyo masuuliyada uu qaadayaba u sahasha in uu si hufan ugu guulaysto.
Maxayse muhiim inoogu leedahay waayo aragnimadu? Waxa aan rajaynayaa in inbadan oo idinka, idinka mid ahina igu waafiqi doontaa in guud ahaan ay waayo-aragnimadu muhiim u tahay dhismaha nolosheena iyo waxa aynu rabno in aynu qabano amabase qaadno masuuliyadeeda,
Ugu dambayntii, maqaalkan ulama jeedo cid gaar ah, kumana niyad jabinaayo damaca dhalinyarada balse waa iga waano iyo tudhaale walaaltinimo oo aan damcay in aan halkan idin soo mariyo, Waad ku mahadsan tihiin, wakhtiga aad siisay akhriska qoraalkan kooban.

WQ:  Liban Ismail