Waxyaabo dabiici ah oo kaabi kara iska caabbiga jidhka ee cudurrada (WQ: Axmed Ibraahim Cawaale)

Waxyaabo dabiici ah oo kaabi kara iska caabbiga jidhka ee cudurrada. Qaarkood waxa ay wax ka taraan la dagaallan fayrisyada:

– Liin-dhanaanta oo hodan ku ah fiitamiin C.
– Toonta
– Khalka
– Sinjibiisha
– Khudaarta kala duwan
– Moringa
– Malmal
– Beeyada (Saliidda fooxa ayaa dareere lagu dhibcin
karaa)
– Xabaggod (iyada oo la safeeyay)
– Xabaasuud

Muhiim ma aha inaad wada qaadato, se kolba sida aad u heli karto ama ay kuugu fududaan karaan.

Habdhaqanno taageeri kara xoojinta iska caabbiga jidhka:
– Hurdo kugu filan seexo
– Wixii cidhiidhyoow (diiqad) ku gelinaya ka dhowrso inta
aad kari karto
– Haddii aad sigaaryacab tahay ama balwad kale leedahay jooji
– Jimicsi
– Wixii tallaabooyin ah, sida nadaafadda iyo faraxalka ee
yarayn kara in jirro kuu soo gudubto.

WQ: Axmed Ibraahim Cawaale