Nicotainine ayaa loo loogu magacdaray markii la ikhtiraacay horaantii 1800, Nicotainine waa kiimikada ugu muhiimsan eek u jirta sigaarka. Nicotine waa qayb yar oo kamida in kabadan 4,700 oo kiimiko oo kujra qiiqa sigaarka sidookale 43 kamida walxaha sigaarka ayaa keena noocyada kansarka, wakhtiyadan dambe daraasado cilmiyaysan oo tiro badan ayaa isku raacay in cabista sigaarka sanado badan ay halis caafimaad oo dhib badan ay keento.
Marka laga yimaado in nuugista sigaarku ay sababto boqolkiiba sideetan iyo shan (85%) kansarka ku dhaca sambabka waxa uu sidoo kale kaalin ku leeyahay badiba kansarada ku dhaca caloosha, kalyaha iyo afka. Waxa la rumaysanyahay in uu sababo 14% kansarka dhiiga iyo kan kudhaca xubnaha taranka ee haweenka. Sigaar nuugistu waxay galaafatay nolosha 84,000 oo qof sanadkii 1990. snadkii waxaa wadanka mareykanka ugu geeriyooda xanuunada uu keeno sigaar cabista qiyaastii 443,000 oo qof. Kansar kasta Sigaar cabista boqolkiiba sodon (30%) ayay katahay taas oo macneheedu yahay in boqolkiiba sodon kansar kasta aad iska ilaalin karto hadii aad joojiso nuugista sigaarka.
Sigaar cabaha aan firfircooneyn: inaad hawo ka qaadato barbarka qof qiijinaya sigaar ama uu kugu afuufayo sigaarka afkiisa adoo kasoo horjeeda ama aad sheeko wadaagaysaan, iyada qudheedu waxa ay keentaa halis caafimaad oo aad u dhib badan. Warbixin ay soosaareen coastal environmental agency 1992 waxay tibaaxaysaa in qofka in badan ka ag dhaw sigaar qiijiye uu Qatar weyn ugu jiro in ay sunto ku kaydsanto sambabadiisa kadibna keento noocyada kansarka.
Si aan u cadeyno khatarta sigaar cabaha aan firfircooney aan soo qaadano lamaane is qaba oo midkood sigaarka qiijo kan kalana uu yahay sigaar cabbe aan firfircooneyn waxa la aaminsanyahay in qofka aan cabeyn oo khatar ugu jiro boqolkiiba sodon 30% in xanuunada wadnaha ay haleelaan, sidaa si lamida khatarta uu qofkaasi ugu jiro kansarka kudhaca sambabada ayaa gaadha boqolkiiba sideetan (80%) hadii uu sigaar cabaha aan firfircooneyn ka ag dhawyahay qof cabba afar baakeet oo sigaara muddo labaatan sano ah. Cilmi baadhayaashu waxay kusoo gabagabeeyeen warbixintan in boqolkiiba toban iyo todobo (17%) kansarka sambabada ee ku dhaca ciyaalka iyo dhalinyarada uu keeno sigaar cabis aan firfircooneyn.
Daraasad ay sameeyeen cilmi baadhayaal katirsan jaamacada north richmond ayaa sheegaysa in khatarrtu ay kaga badan tahay sigaar cabbaha aan firfircooneyn marka loo eego kan isago cabbaya, waxa ay sheegayaan in hawadaas sumeysan oo uu si joogto ah u qaataa ay ku keenayso khatar caafimaad oo aad u khatar badan gaar ahaan sambabada iyo wadnaha qofka. Cilmi baadhistsa ayaa lagu daabacay mareegta uruka dhakhaatiirta ee maraykanka ( the journal of US medical foundation) uruka waxaa kumidaysan kala badh dhakaatiirta maraykanka waxana lagu sameeyay dib u eegid iyo tifatir, cilmi baadhistan ayaa sheegaysa sababta waxaanay leedahay qofka sigaarka cabba waxa uu si joogta ah u dhaawacayaa habdhiska dhiig wareega (cardiovascular system) habdhiska dhiig wareega ayaa la qabsaday nuugista sigaarka sidaa daraadeed si ay mag dhaw uga dhigaan ayay markasta sigaar la nuugayaan hase ahaatee qofka aan isagu cabin sigaarka ma jiro dalab ka imanaya habdhiskiisa dhiigwareega waana taas sobobta ay khatartu ugu badan tahay daka aan cabin.
Cilmi baadhistaan waxay sidoo kale sheegaysaa in hal walax oo kujirta sigaarka aany keenayn kansarka ee ay jiraan walxo faro badan tusaale ahaan carbon monoxide waxa ay oxygen ta kula tartantaa unugyada cas-cas ee dhiiga iyada oo daciifinaysa awoodii uu dhiigu ulahaa inuu gaadhsiiyo wadnaha hawo(0xygen) nadiif ah. Nicotine ta iyo qaybo kale oo sunna oo kujira sigaarka ayaa iyaguna keena in ay samaysmaan xinjirro kuwaas oo marka dambe xaniba isku socodka dhiiga.
Ugu dambeyn; khataraha uu keeno sigaar cabisa aan firfircooneyn waxa kamida in qofku wadnuhu istaago ama kansarka sambabaduba ku dhuco. maraykan ka oo kaliya in ka kabadan 40,000 oo qof ayaa ugu geeriyooday sigaar cabis aan firfircooneyn sanadkii 2019 kii halkaas oo 7,000 ay haayeen kansar halka 33,000 ay ahaayeen wadno xanuun.
WQ: Abdiwahab Yousuf Maal