Xaamud Ibraahin Yaasiin: Halyey Ummadeed (WQ: Axmed Iid Aadan)

Halyey Ummadeed
(Waar ninka dila… Waar ninka ragga iyo tiknikadaba madhiyey dila!)
Waqtiyada nabadda dadku wuu isku dhex jiraa, oo ninka adkaysiga badan, ka deeqsiga ah iyo ka daacadda ah lama kala garto. Maalinta daran ee ay xaalad adagi timaaddo ayay se wax kala caddaadaan oo uu raggu kala baxaa.

Dagaalkii Burco-Duuray ee sannadkii 1984kii dhacay waxa uu ka mid ahaa dagaalladii waaweynaa ee SNM iyo ciidankii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre dhex maray. In kasta oo ay dhimashadu xagga xukuumaddaas u badnayd, haddana labada geesood ba geeridu way badnayd oo rag badan bay maalintaas toodii noqotay. SNM waxay dagaalkaas ku weyday rag aad u qiima badnaa oo ay ka mid ahaayeen halgamayaal Maxamed Xaashi (Lixle) iyo Xaamud Ibraahin Yaasiin.
Halgamayaal badan oo naftood-hurayaal ah ayaa maalintaa wacdaro layaab leh dhigey. Way badnaayeen oo halkan kuma wada xusi karno e’, waxaynu si gaar ah wax yar oo kooban uga qoraynaa, Alle ha u naxariistee, halgame Xaamud Ibraahin Yaasiin.
Xaamud, sida uu garyaqaan Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud-Tallaabo) oo aynu xogtan badankeeda ka soo xiganaynaa buug uu dhowaan soo saaray ku qoray, waxa uu ku dhashay degaanka Abdaal ee gobalka Saaxil. Waxa uu ka tirsanaan jiray ciidammadii Soomaaliyadii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed loo yaqiin. Waxa uu isaga oo dhallinyar ka qayb galay dagaalkii 1977kii ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, waana halkaas halka lagu ogaaday kartidii iyo geesinimadii uu Alle Xaamud ku galladay.
Markii dagaalkaa laga soo noqday Xaamud waxa uu ahaa macallin ka tirsan dugsigii tababbarka ciidammada ee Madheera, in kasta oo uu markii dambe isaga tegey oo uu xagga iyo halgankii SNM u kacay.

Xaamud waxa uu waqtigii SNM macallin iyo tababbare ba ka noqday dugsiyadii halgamayaasha wax lagu bari jiray ee Jinacsani, Baabuli iyo Awaare. Waxa uu bixin jiray duruusta ciidanka lugta, waxanu macallin gaar ah ku ahaa qoriga Baasuukaha (RPG7) oo ah qori lagu la dagaallamo gaadiidka gaashaaman, Beebeega oo dhib weyn ku hayey ciidammadii SNM iyo Anti-Tank. Waxa kale oo uu mudane Xaamud macallin ku ahaa qoriga boobaha culus oo ah qori muhiim ah oo xilliga dagaalka uu ciidanka lugtu adeegsado.
Xaamud marmar buu ciidanku kala doodi jiray qoriga Baasuukaha ah (RPG7) in uu Beebeega gubi karo iyo in kale. Marka ay dooddaasi timaaddo Xaamud waxa uu ku jawaabi jiray, “Adeer qoriga aad sidato aammin, inanka yar ee Beebeega saarani ba birtiisa ayuu aamminaye!”
Maalintii uu dagaalkii Burco-Duuray qarxay Xaamud, sida aynu kor ku soo xusnay, waxa uu ka mid ahaa raggii uu cadowgu ka yaabay ee wacdaraha dhigay. Gaadhiga Beebeega la yidhaahdo oo ah gaadhi halis ah oo ciidammada SNM dhibaato weyn ku hayey Xaamud baa maalintaa warkiisa meel ku hubsaday! Dagaalkii oo socda ayuu inta uu cod dheer oo la wada maqlayo ku hadlay ciidammadii SNM ku yidhi, “Waar bal eega! Aniga ayaa Beebeega ugu horreeya gubaya e’, haddii uu doono haba i jiidhee.” Halkaas ayuu Xaamud Beebeegii u horreeyey ku gubay. In yar ka dib, waxa uu haddana cadowgii ka gubay oo uu dambaska ka dhigay Beebee kale. Xog kale oo aan helay na waxay sheegaysaa tiraba 4 Beebee iyo gaadiid kale oo tikniko ah in uu Xaamud maalintaa gubay. Halkaa waxa lagu xaqiiqsaday warkii Xaamud, waxana maalintaa ciidammadii Maxamed Siyaad Barre guud ahaan laga gubay 9 Beebee iyo gaadiid kale oo gaashaaman.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame oo tix uu lahaa arrintaa wax kaga xusay waxa uu yidhi:
Ifkuu Xaamud daariyo
Khaliif doorrankiisiyo …

Mudane Xaamud oo halgamayaashii dagaalkan Burco-Duuray ku geeriyooday ka mid ahaa waxa uu had iyo goor sidan jiray bastoolad Dhabannacas ah. Waxa uu xilliyada dagaalka jeclaa qoriga silsiladda leh ee PKM ama Baasuukaha (RPG7) oo uu weheliyo qoriga yar ee AKM47. Labadaa qori ee dambe ayuu maalintan iyada ah ku hawl galay.
Dagaalkii oo socda ayey ciidammadii cadowgu ku muusannaabeen, “Waar ninka labada qori sita dila! Waar ninka ragga iyo tiknikadaba madhiyey dila! Waar ninka dharka isu eg sita dila! Waar miyeydaan arkayn ninka gadhka wadaadka leh! Waar ninka dila!”
Marka aad hadalkooda dhuuxdo, waxa aad moodaysaa dagaalkuba in uu iyaga iyo Xaamud uun ahaa! Xaamud rasaas badan oo dab kulmis ah ayaa ku dhacday, halkaas ayaanay tiisii ku noqotay. Ilaahay naxariistii janno ha ugu deeqo isaga iyo halgamayaashii kale ee naftoodii qaaliga ahayd huray, kana dhiidhiyey dulmigii ummaddeenna ku habsaday.

_________
Xigasho:
1. Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud Tallaabo), 2016: Dhiiggii Geesiga, Daabacaadda Koowaad, Hargeysa. Xogta Xaamud inta u badan dhiganahan baan ka xigtay.
2. Sawirka halgame Xaamud ee aan qoraalkan soo raaciyey waxa xuquuqdiisa leh qoraa, Garyaqaan Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud Tallaabo) oo aan buuggiisa “Dhiiggii Geesiga” ka soo xigtay.
3. Xog yar oo kooban oo aan helay ayaa iyaduna qoraalka ku jirta.

W/Q. Axmed Iid Aadan
May 6, 2020