Donald Trump ayaa fayraska COVID 19 ku sheegay in uu yahay kii ugu xumaa ee dalka Maraykanka soo mara abid

Bandhige: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ayaa sheegay in cudurka faafa ee coronavirus uu yahay kii ugu xumaa ee dalka Maraykanka soo mara abid, wuxuuna ku eedeeyay Shiinaha inaanay joojin doonin, xilli dagaallo qotodheer oo ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha uu ka dhashay fayraska.

Maamulka Trump ayaa noqday mid si wayn u dhaliilaya Shiinaha madaama tirada dhimashada Mareykanka ay sare u kacday, isagoo ku eedeeyay dhimashada boqolaal kun oo dad ah, kaas oo markii ugu horeysay ka soo muuqday magaalada Shiinaha ee Wuhan dabayaaqadii sanadkii hore.

In kabadan 255,000 oo qof oo ku kala nool daafaha dunida ayaa hadda u dhintey COVID-19, oo ah cudurka uu keenay coronavirus. 70,000 oo qof ayaa Mareykanka kaga dhintay fayraskan.

Khubarada caafimaadka badankoodu waxay rumaysanyihiin ​​in virusku COVID-19 asal ahaan ka soo jeedo suuqa cuntada ee Wuhan. laakiin Trump iyo Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo waxay sheegeen inay ay hayaan cadeymo muhiim ah oo ku sheegayaan in Fayraskani kasoo baxsaday shaybaadhka  ku yaalla magaalada Wuhan ee ku talla badhtamaha Shiinaha.

Bandhige@gmail.com