Waa Maxay Farqiga U Dhaxeeya Cilmiga Iyo Ogaalka? (WQ: Aisha A. Salah)

Waa Maxay Farqiga U Dhaxeeya Cilmiga Iyo Ogaalka (WQ: Aisha A. Salah)

 

Salaamullaahi calaykum.

Maanta waxan idiin wadaa xog u muhiim ah wiilasheenna iyo gabdhaheennaba. Ama heer jaamacaddeed gaaray ama aan gaarin, Waxana si gaar ah u guddoonsiinayaa hablaheenna qaalliga ah.

 

Waxaan intaan ugu laab qaboojinayaa ruux aan gaarin heer jaamacadeed, balse weli aan is dhiibin oo doonaya in uu wax la qaybsado dhalinta da’diisa ah ee dunida dacalladeeda ku nool.

Waxaan u doorbiday inaan saqaafadda iyo ogaalka ka hadlo ayaa ah inaanan doonayn in cilmiga jaamacaduhu inaga hor istaago dhisida bulshadeenna.

 

Cilmigu waa weedh kulansatay waxyaabo fahankoodu ku dhisan yahay maskaxda(Concept), xeerar isdaba joog ah iskuna xiran(Laws), haddaba fahamka nocaasa(concept) waxaa lagula soo baxaa baaritaano(Analysis) , u fiirsasho(Notice), waxaana dhihi karnaa wuxu leeyahay nidaam iyo kala damayn sal-dhigoodu yahay u fiirshasho, is-waydiin, iyo baaritaan.

 

Tusaale: (Cilmiga Noolayaasha/Biology si uu ogaal uga helo sababta caleenta geedku cagaarka u tahay waxa uu raacay nidaamka ah u fiisrasho is-waydiin dabadeedna baaritaan.)

 

Halka ogaalku uu ka qarawaynyahay ama ka gun dheeryahay cilmiga. Sida aan ka dheehan doonno qeexidiisa.

 

Ogaalku waxa uu kulansanayaa dhammaan xog walba oo barashadeeda xeer loo maro ama aan loo marin, waa macluumaad/xog-raadis dhan walba beegsanaya, taas oo qofku heerkeeda ku gaarayo inta uu nolosha la legdamayo.

 

Si Kooban oo Dulmar ah.

Cilmigu waa caddaynta aragtiyo lagu gaaray is-waydiin iyada oo la isticmaalayo qalabka cilmiga.

 

Ogaalkuna waa garashada uu qofku dhaxlo marwalba oo uu isku dayo inuu fahmo walax sida ay ku timaaday. Si intaa ka kooban, ogaalku waa uu nala dhashaa. Nolosha iyo nafteenna ayaana macallin u ah.

 

-Astaamaha Cilmiga.

โ—‡Waa la kobciyaa oo maalin walba isbedal ayaa ku yimaada.

โ—‡Waxa uu leeyahay qalab u gaar ah.

โ—‡Marka aad heshid xog aad nafsad ahaantaada baaritaan ku samaysay isla mar ahaantaana aad ku guulaysatay inaad natiijo macquul ah ka heshid waxaa laguu magaacabayaa caalin laga dameeyo.

โ—‡Cilmigu waa uu isku-dhafan yahay waa se mid ogol in la kala qaado.

โ—‡Waa ay saamaysaa bulshadu cilmiga(haddii ay barashadiisa tixgeliyaan.) Sidaa si lamid ahna waa mid saamayn ku leh bulshada.

โ—‡Waxa uu ka hortagaa ama dabar gooyaa jahliga iyo hawo raaca.

 

Astaamaha Ogaalka.

โ™กWaxa uu kuu gogol xaadhayaa, harumarinta naftaada iyo ka faa’iidaysiga baaritaannadii hore ee dadyowgu sameeyeen. (Tusaale:Barashada Taariikhda iyo juquraafiga.)

โ™กWaxaad ahaanaysaa qof ku dhegan dhaqankiisa isla markaana tixgeliya dadka ra’yiga u saaxiibka ah.

โ™กWaxa uu qayb wayn ka qaataa inaad noqotid qof ka warqaba xeerarka guud iyo shuruucda.

โ™กWaxaad awooddaa inaad qiyaastid ogaalkaaga kuna doodid waxa aad ogaalka u leedahay, haddii aad quudisid maankaaga.

โ™กWaa dabar jaraha ankiraada iyo dhega-adayga.

โ™กWuxu awood siinayaa in uu qofku ka fekero waxyaabaha hareerihiisa ah, taaso badanaa dhalisa natiijo indheergaradnimo(intelligence).

 

Gacalo waxaan kaa raalli-gelinayaa inaanan qormadaan kuso qaadan, Haweenka iyo Saqaafadda, waayo ma doonayn in ay ila socoto oo kaliya gabadh jaamiciyad ah ama mid ahaan doontaba. Waxaannu dhawaaq dheer ugu yeeraynaa gabadh walba oo waxna akhrin karta waxna qori karta, diyaarna u ah horumarinta nafteeda iyo bulshadeeda. Waxana leeyahay haddii aad cilmigii wayday noloshu way duruufo badantahee, ha waayin ogaalka.

 

Waad ku mahadsantihiin akhriskiinna.

 

F.G: Noqo qof la wadaaga khayrka walaalkaa, adiga oo suuraysanaya intaad ka faa’iiday in uu ka faa’iidi doono qof ardaagaaaga saaxiib kugula ah balse kayga aan igula ahayn, si aannu ajarkeeda u wada helno.

Ramadan kareem.๐Ÿ’–๐Ÿ’–