Robinson wuxuu ahaa Askari 24 jir ah oo ka mid ahaa ciidamadii Maraykanka ee la keenay faransiiska 1944 si ay uga xoreeyaan ciidamadii Jarmalka ee baryahaa faransiiska haystay .
Robinson maalin maalmahaa ka midda ayuu goob tareenka lagga raaco dumar joogay ka codsaday in ay dharka u maydhaan , ka dibna waxaa ka ogolaatay gabadh meesha joogtay , sidaas ayaanay gabadhaa faranji iyo askaragaa maraykan isku barteen .
Maalmo ka dib , Askarigii Robinson wuxuu la kulmay inan 18 jir ah oo ay dhashay gabadhii maryaha u maydhi jirtay oo la yidhaahdo Pierson , waxaana dhexmaray xidhiidh isu rogay jacayl dhaba oo labadoodaba si wayn u samaayey .
Muddo ka dib Robinson waxaa loo badalay meel kale , waxaanu u sheegay saaxibadii in uu jecel yahay una soo noqon doono , hassa yeeshee dagaalki markuu dhamaaday waxaa laggu celiyay Ameerika dibna uma soo noqonin .
Inantii Pierrson waxay gashay dugsi ay ka baranaysay Afka ingiriisiga iyadoo rajaynaysay in uu maruun soo noqon doono Robinson afkaa ay baratayna uu kula hadli doono , hassa yeeshee rajadaasi ma rumoobin .
Robinson wuxuu guursaday gabadh la yidhaahdo Lillian , waxaanay wada joogeen 70 sanadood , mudadaa dheerna mar keliya muu ilaabin inantii yarayd ee Pierson , waxaanu niyada ka qaadi jirey mar walba ,miduun baan qalbiga , ka maqnaaninoo ku dhex maaxatee ” ,odaygii Robina islaantii lillian waxay ka geeriyootay 2015 .
Inantii Pierson qudheedu waxay guursatay oday , waxaanay isu dhaleen 5 caruura , mudada intaa la eegna mid waliba wuxuu xasuusnaa kii kale , waxaana jacaylku ku waynaa Robinson oo isagu haystay sawirkan hoosta idiinka muuqda oo waagaas ay saaxiibadii gashay .
Ugu dambayn 75 guuraddii maalintii D-Day oo ah maalinta loo asteeyey xuska dagaalwaynihii 2aad , oo ahayd maalintii Robinson iyo saaxibadii kasoo degeen xeebaha Normandi , ayuu Robinson u yimi Faransiiska xuskii Normandy , waxaanu meelaha dadka lagga baafiyo ka baafiyay Pierson , nasiib wanaag way kulmeen .
Robisnon isagoo ka hadlaya helitaanka pierson wuxuu yidhi ” waxaan islahaa mar horre ayay socotay , hassa yeeshee kulanka aanu mar kale kulanay waa saacadii ugu farxda badnayd noloshayda ” . piersona waxay tidhi mar walba waan ka fikiri jirey , waxaanan rajaynayay in aanu maalin uun kulmi doono ”
Ugu dambayn , Robinson iyo Pierson waxay ku heshiiyeen in ay dadaa isku guursadaan , waanay is guursadeen , sheekadooduna waxay noqotay tii ugu xiisaha badnayd ee xuskii 75aad oo ku beegnaa 2019 .
Sheekadan waxaan kasoo xigtay Idaacadda bbc , waxaanay ugu magac dartay long lost love ย , jacaylkii waqti horre lumey .