Xadaaraddii Asatiik iyo Qurbaankii Wadnaha Qofka Ahaa! (WQ: Kamaal A. Cali)

Wadnuhu waxa uu ka mid yahay xubnaha jidhka ee tan iyo bilowgii nolosha uu aadamuhu ka warqabay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin noloshiisa, dareenkiisa iyo xitaa aaminsanaantiisa diineed. Xadaaradaha qarniyadii kala dambeeyey soo maray adduunyaduna waxa ay la soo mareen qisas iyo dhacdooyin dhinacyo kala fog taabanaya, oo qaarkood xiise gaar ah leeyihiin.

Waxaa ka mid ah aaminsanaan jiri jirtay oo isku xidhaysa wadnaha iyo ruuxda (Nafta waa uu ka duwan yahay) aadamaha, iyo in ruuxda iyo dareenku ay wadnaha dhex deggenyihiin.

Xadaaraddii hore ee Azatic oo ka jirtay Mexico waxa ay gaadhay heer wadaadadii diintu ay go’aamiyaan in marka muddo la joogaba mar la sameeyo qurbaan Ilaaha ay caabudayeen loogu dhowaanayo oo ah wadne aadame.

Munaasabad weyn oo la isugu soo baxay ayaa qofka qurbaanka laga dhigayo inta loo jiifiyo, sida ka muuqata sawirka mala-awaalka ah ee qoraalkan la socda, waxa uu wadaadku jeexi jiray laabta qofka oo nool, kaddibinta inta uu gacanta keliya uu wadnaha xoog ku soo fujin jiray, oo isaga oo faraxsan uu kor dhinaca samada ugu taagi jiray. Cabbaar yar kaddibna dab ololaya oo agtiisa laga shiday ku dhex tuuri jiray. Waxa uu ahaa Qurbaan ay aaminsanaayeen in uu ilaaha ay caabudaan ku raalli noqonayo, isla markaana uu wadnaha qofkaasi u noqonaayo balaayo xijaab ay kaga adkaan karaan awoodaha sharka oo dhan.