Xasuusta geeridii Allaha u naxariistee Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal (WQ: Jamal A. Muse)

Xasuusta Geeridii Allaah Haw Naxariistee Madaxweyne Maxamed X. Ibraahim Cigaal (WQ: Jamal A. Muse)

 

Ugu horreyn, waxay ahayd geeri naxdin leh iyo maalin madaw oo ilaahay oofsaday madaxweyne dalkisii ka badbaadiyey badweynta dawlad la’aaneed iyo hirdan hagardaamo ku dhisan, siiba xilliyo adag iyo gooro dabaylaha wax saareenku ka aloosnaayeen Geyiga Geeska Afrika oo ay wadar ahaan uga dhidbanaayeen duruufo sirgaxan, Irdho Siyaasadeed, Colaad Sokeeye iyo hummaag-tir dawladnimo tolmoon.

 

Sidaa awgeed, 03 MAY 2002, waa dharaar huwan xasuus tabnaansho badan u leh dhammaan dadweynaha Somaliland oo qofba meel ugu jaxaasan. Xaqiiqdii, dhiillada, tallanka, taaha iyo tawaaca waxaan maalintaa kala sinnaa dadka reer Berbera oo dariiqyada magaalada si hal-haleel ah ugu dheg taagayey sheegmo xaqiijineedyada warbaahinta dawladda Jamhuuriyada Somaliland iyo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo goortaa dhinaca dadweynaha ku lingaxneyd aaminsanaan dhageysi habboon.

 

Sidoo kale, 03 MAY 2002 oo ku beegneyd ayaan Jimce ah ayaa iigu soo gashay magaalo marseedda Berbera, ku beegnaan ammintan oo kale ayaan barta badda loo yaqaan labo badoodda u aadnay dabaalasho iyo tamashleyn galabeed. Aniga oo la socday labo oday oo kala ah Nuux Daahir Camuud iyo Maxamed Bawdo oo ganacsade ahaa. Mar tirsi-saacadeedka  goor-sheegta Geeska Afrika aheyd 5:00 pm ayaan ku soo laabannay guddaha Magaalada, gaar ahaan Aagga Dawladda hoose iyo shirkaddii Soltelco.

 

Haddaba,durbadiiba, waxaannu ogaal helnay run ahaanta warka geerida naxdinta xanbaarsan ee madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal “Allaah haw naxariisto” annaga oo ku sugan maqaaxiddii ilma Xoolow ee ka soo horjeedday xaruntii shirkadda Isgaadhsiinta ee Soltelco. Waxaan xasuustaa in aannu wakhtigaa wada joognay Axmed Abdi Adam Dhegcas, Jaamac Diiriye, Nuux Daahir Camuud, Oday Faarax Maasheeye iyo Warsame Muuse Barkhadle.

 

Dhinaca kale, dhacdada geeridii AHN madaxweyne Cigaal ayaa nagu noqotay anfariir iyo filasho mustaqbal ka dedan iftiinka garashada dawladnimo ee maanka dhallinta kacatinka ah. Balse, waxay noo aheyd geeri na bartay xidhiidhsanaanta laf-dhabarta gobanimo ee  bulshada Somaliland, dhaqan-gelinta  hannaan Dastuuri ah oo jodeynaya qaabka dhaxalka kursiga madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo sugnaanta habka wadaagga meertada dheefta dawladnimo.

 

Mar kale, waxay ahayd maalin rumeysay wadajirka iyo dun-samaanta hoggaaminta sare ee dalkayga oo waa tii madaxweyne loo cimaamaday madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo isna diiradda fogaan aragga saaray ka midho dhallinta jideyntii Madaxweyne Cigaal ee dhismaha hannaanka Dimuqraadiyadda, Xisbiyada badan iyo qabashada doorashooyinka.

 

Ugu danbeyntii, madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, allaah haw naxariistee waa astaan iyo sumad u taagan, dib u dhis, dib u heshiisiin, yagleel dawladnimo, dhigaal Axdi qarameed, dhibeyn Dastuur iyo ibo-fur dimuqraadiyadeed.

 

Allaah Haw Naxariisto Madaxweyne Cigaal.

 

Aamiin, Aamiin, Aamiin.

 

Soon-qaad Wacan.

Jamal A. Muse.