โข Waxaan ahay nin waayaha adduun, wax uga muuqdaane,
โข Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaan. (Luggooyo. AHN)
Labadii qaybood ee hore ee maqaalkeennan waxa aynnu ku soo bandhignay filashada dib u soo guryo noqoshada ku iman doonta qayb ka mid ah Soomaalidii hore ugu baqooshay ee deegaansatay Yurub iyo Maraykan.
Waxa aynnu sheegnay labada arrimood ee ugu mihiimsan ee la filayo in ay sabab u noqdaan hayaanka cusub ee Soomaalidaasi soo geli doonto, waxa aynnu sheegnay dhaqaala xumada ka dhalatay cudurkan iyo baqaha laga qabo laba kaclayntiisu in ay tahay sababaha ugu waaweyn ee geeddiga cusub.
Waxa xasuusin mudan in ay hore u haysteen dadkaas dhibaatooyin badan oo mar kasta ku dirqiyayey ka fekeridda sidii ay dhibaatooyinkaa uga bixi lahaayeen, hase yeeshee inta badan wax sii xumaada mooyaane waxba kama soo reeyaan.
Dhibaatooyinkaa waxa ugu muhiimsan kala tagannaanta dhaqanka oo sababtay burbur bulsho oo baahsan, waxa faraha ka baxay in badan oo ubadkii Soomaaliyeed ka mid ah, waxa ay xogaha la hayaa sheegayaan in UK, dhalinyarada jeelasha ku jirta ee daroogooyinka iyo gaangistarnimada loo xidhay ay 40% muslimiin yihiin, hadda ogow oo muslimku guud ahaan UK waa 5% keliya, tiradaas muslimiinta ah ee jeelasha ku jirta 40% ka mid ahi waxa la sheegaa in ay Soomaali yihiin!
Iyada oo dhibtaasi jirto, ayaa dhowaan waddamada qaarkood- sida UK- manhajyadooda waxbarasho heerarkooda kala duwan oo kuwa hoose ku jiraan, lagu daray maaddooyin anshaxa Aadmiga caafimaadka qaba ka baxsan, waa arrimaha ay u ololeeyaan lagaroonayaashu iyo weliba arrimo la xidhiidha jinsi beddelashada.
Inkasta oo ay muddo toban sanno ka badan arrintan loo ololeynayey, ugu danbeyn waxa la goโaamiyey in sannad dugsiyeedka 2020 oo September bilaabmaya lagu qasbo ardayda in la baro waxa loo bixiyey (SRE) oo u taagaan barashada xidhiidhka jinsi, ha ahaadeen caruurta kala jinsiga ah amaba kuwa isku jinsiga ahe, taa waxa dheer in caruurta la baro in ay xaq u leeyihiin in ay jinsigooda beddelan karaan oo inanku gabadh noqon karo, inantuna wiil noqon karto.
Arrintan waxa aad uga qayliyey Muslimiinta iyo Yuhuudda, olole badan ka dib waxa loo oggolaaday in ay caruurtooda kala bixi karaan iskuuladda dawladda oo ay geysan karaan iskuullo gaar ah amaba ay guryahooda wax ku bari karaan, waxase ka daba timi dood kale oo odhanaysa caruurta waa in lagu qasbaa iskuuladda caamka ah, si loo xoojiyo is dhexgalka bulshooyinka iyo la dagaallanka argagixisada!
Arrintani waxa ay cabsi badan ku abuurtay muslimiin badan oo ay u muuqato ubadkoodii oo dhaqan ahaan, diin ahaan iyo akhlaaq ahaanba loo burburinayo, sababtaas ayay qaar badani ku fekerayaan in ay waddamo kale u guuraan, si ay mushkiladdaas uga badbaadaan.
Arrintan iyo arrimihii aynnu hore u xusnay ayaa sabab u noqon doona in ay qoysas badani soo guuri doonaan oo ku soo noqon doonaan deegaannadoodii hore.
Muddaynta aan ku asteeyey bilowga hayaanka bisha sideedaad ee sannadkan 2020, waxa aan ku sababeeyey saddexdan qodob:
1) Waxa la filayaa in wakhtigaas la furo hawada oo xanuunku hoos u dhici doono, sidaa awgeed ayay dad badani wakhtigaas uga faaโiidaysan doonaan.
2) Waxa la odorosayaa in wakhtiga qabowga ee soo socda uu Covid-19 dib uga curan doono waddamada qabow ee Yurub iyo Maraykan, sidaa awgeed ayay dad badani isku deyi doonaan in ay ka hor soo baxaan.
3) Waxbarashada bilaabmaysa sannadka dugsiyeedkan oo ku beegan sept. 2020 ayaa iyana kellifaysa in ay dadka ardayda soo qixinayaa ka hor soo baxaan.
Intaasi waxa ay suureynaysaa odoroskeenna ah in ay dad badani soo gurya noqon doonaan xagaaga inagu soo aaddan ee sannadkan 2020.
Waxa isweydiin mudan dadkaa soo noqonayaa maxay la iman doonaan dhib iyo dheef ba?
Jawaabta waxa aan idin la wadaagayaa galabta- Haddii Alle idmo.