Maayar Maxamed Aamiin wuxuu khalkhal siyaasadeed geliyey xukuumadda cusub ka dib markii uu ku dhaqaaqay is-casilaad isaga u gaar ah oo qorshaysan. Gilgilku wuxuu keenay arrimaha hoose:
= Wuxuu si farsamaysan meesha uga saaray qorshihii ay dawladda cusubi ku doonaysay inay Maayar ay iyadu wato ay Gabiley keento.
= Wuxuu khalkhal ku riday saami-qaybsigii dawladda dhexe ay isugu dheellitiri lahayd gobolka Gabiley.
= Wasiiraddii Qorshaynta ayuu tashuush ku furay, ka dib markii Maayarka cusub ay raas hoose isku noqdeen ( Reer Yoonis, Reer Xaad).
= Wuxuu soo saaray in Wasiirrada Amniga iyo Dawladaha hoose aanay shaqadoodu kala xadidnayn. Waxa tusaale u ah halkii waraaq ee ay wada saxeexeen.
= Waxa arrinta Gabiley ku kala qaybsamay guddiyadii Baarlamaanka iyo shir guddoonkii
= Wuxuu muujiyey awooddiisa siyaasadeed iyo inuu mustaqbal siyaadeed oo weyn leeyahay. Wuxuu khibrad iyo waay-aragnimo weyn ka kasbaday 9-kii sanno ee uu Maayarka ahaa (2015-2024). Waa qunyar socod deggan oo ka fiirsadda weedhaha afkiisa ka soo baxaya, marna wejigiisa ka dareemi maysid wuxuu damacsan yahay. Wuxuu isku darsaday inuu yahay nin faqe iyo nin fagaare.