Maansadan magaceedu yahay; ‘Tusmada Somaliland’, oo uu hal-abuuray Abwaan Cali Haybe Cige, ayaa waxa uu kaga warramaaya halgankii cuslaa ee dalkan loo soo gallay iyo sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay bulshada reer Somaliland, waxaanu Abwaan Cali Haybe maansadan ku xusayaa in uu tebaayo Mujaahidiintii dalkan xorreeyey ee u shihiiday oo in badan oo kamidana uu maansada ku xusaayo in uu tebaayo kaalintoodii. Waxaanay erayada maansadu u dhigan yihiin sidan: –
Soomaalida kala tagtiyo
Waxaan tusayaa khalqiga
Colaad layskuma tudhiyo
Wixii taf-wareeno dhacay
Tan iyo lixdankii jirtada
Nin tacabiray oo maqnaa
Da’yare tahan uma ogee
Aan taabtee wax iga qora
Raggii tagay waayo hore
Jihaadkii lagu tiriyo
Waxaan tabayaa lixliyo
Waxaan tabay Maxamed-Cali
Waxaan tabay Xaamud iyo
Waxaan tabay Shiine iyo
Koosaar iyo tiirar jabay
Waxaan tabayaa Dayib
Waxaan tabay Haraggii iyo
Waxaan tabayaa Mahdi
Tebaye Gacma-dheere iyo
Waxaan tabay Macalinkii
Haaruun Geesigii ka tegay
Waxaan Tebayaa Xuseen
Talaabiyo may’e Sucuud
Tabuhuu Haabiil yiqiin
Waxaan tabayaa Libaax
Waxaan tebay kaartadii
Ayuub nagu toosin jiray
Tebaye Siiraanyo iyo
Waxaan tebayaa Obsi
Koodbuur iyo tobankii wiil
Turuqa kula baxay Askar
Waxaan tebayaa xusuus
Waxaan tebayaa rag baxay
Tuurkii guusheena helay
Waxaan tebayaa dablii
Tamuuxaa lagu maslaye
Qubuuraha lagaga tegay
Waxaan tebayaa Magtii
Tasow diyaddii maqnayd
Timaha khalqigaa ka badan
Tegaye halgankii ku baxay
Tiriyo magac kuma saxnee
Waxaan tebayaa xuskii
Abaalkay noo tareen
Tusmadan Somaliland
Habeen taxtaxaashka iyo
Siday nabaddani ku timi
Targaafoow maad ogayn
Nimaan odaygii ka tallin
Talyani Ingiriis ku gallin
Turkigu waayo ugu iman
Tirtira iyo deda xasuuq
Intii dhiig iga turqaday
Tun iyo aargudasho iyo
Tiirkii laga saamaxoow
Tadhoogeediyo axmaqa
Haddana tiiqtiiqsadoow
Xornimo dhiigaa tiflehe
Toogteeda nimaan u ridan
Tuubada nimcada ah jaqow
Taygiyo suudhka u xidhoow
Tuduca murtidaa ku jabin
Tuugiyo xilka Baarlamaan
Adaa labadaba sitee
Kitaabkaa lagu tuntiyo
Tollihiyo wallahaad marteen
Tudh buu wacadku idin siin
Tallada qarankeed sideen
Wakhtigu taash kuugu xidhay
Tahriibi kuwaas lahoow
Lafihii tuulnaa qabriga
Ogow jesedkii isku tage
Marxuun soo toosisaye
Tabcada kugu leged xagluhu
Tashoow male geesiyadu
Taalliyo waxaan dhigi xuskood
Taariikh aan been ahayn
Ayaan baashashka ugu tixi
Nacabka tuuraha lahoow
Toorey iyo seefihiyo
Tunkaan warran kaa ligligi
Ayaxii tooreeyey duul
Koronkorta uu toomiyaay
Tagtada adigaa ku bixi
Tafiirtii Sheekhu dhalay
Tirtira duulkii la yidhi
Waxaan tebayaa SNM
Waxaan tebayaa dadkaan
Dhamaan isku taba lahaa
Calankan taagan ee xaqa ah
Towxiidka kuwii sidee
Tawbada ku hor kici lahaa
Waxaan tebayaa cilmiga
T’a iyo Alufkiyo Ba’dii
Waxaan tebayaa baryada
Tufkay culimadu lahayd
Waxaan tebayaa saliga
Tanbiihiyo kor u dhigii
Waxaan tebayaa Suldaan
Karaamo ku tiirsan iyo
Tabsamo caaqilkii lahaa
Taranta reerkiyo bulshada
Tafiirta iclaamin jiray
Waxaan tebay Awyaddii
Tiriiga ifiyo maqaam
Tawbiyo khayr noo lahaa
Tirsiga nabigiyo bilaha
Timekoodu markuu ansaxo
Siyaarada loo tumoo
Tuldaha loo gawracoo
Taarkii baryadee Allaha
Gacmaha lagu tuugi jiray
Waxaan tebayaa gollihii
Tiyaataradii fankee
Hiddaha ku tiraabi jiray
Talbiidkii abwaanadee
Tixtixi jiray eray hal buur
Waxaan tebayaa aqoon
Taladu geedkay lahayd
Waxaan tusayaa khalqiga
Tartamaroorkiyo firqadu
Toddoba laba lagu ambado
Ayaa dhulka maanta timi
Ta kaliyey guushu tahay
Tubtii nabi Muxamed maray
In aan ku tuntuunsanaa
Waxaan tusayaa khalqiga
Tan iyo Muqdishiyo halkeer
Isku taga laba dawladdood
Tareenkii shalay burburay
Tu iyi tu-ba waw nasiib
Tusaaleeyeye dhulkana
Taakiyo maam baa u dhigan
Tagtaye Somaliland
Talaabo dib loo dhigiyo
Tashuush uma baahna nacas
Horraa loo tuuray sahan
Waxaanu ku taamaynaa
Tiigsigu waa horrumarkii
Shidaal in na loo tafaqo
Tab iyo xeel lagu najaxo
In aan isla tiirinaa
Waxay maahmaahdu tidhi
Taabkaagaa lagu dhargaa
Allaha lagu tiirsan yahay
Tukiyo faral waw gudnaa
Axkaamtii tiilay iyo
Qur’aankaa laysku tabin
Tirsiga salligaan xusnaa
Tawaawaca gaalladiyo
Turuqa quwad sheegashada
Tabaadin dadka u qabaw
Toodiyo waa taayadi
Ilaa abid soo taxnayd
Taqwadu waa laabta oo
Mutaqim nuurkuu dhigaa
Toosnidu alle ka cabsi iyo
Rabood tallo saaratiyo
Tag iyo hadda waa nasiib
Aqoonta la tuujiyee
Talaabsaday aadamuhu
Tacliinshuhu waa xakiim
Turjuma aayadaha iyo
Tabaallada koonka taal
Tilmaantuna samafalaha
Ayey waxtarkiisa tahay
Taraarkiyo hoogga iyo
Iblays wuxuu toocsadiyo
Toobada seeguhu cadaab
Abaalkiisuu ku tagi
Jannadu cidda ay u taal
U tawshaa waa Islaam
Mahadna ta Allaa u weyn
Tolnimo waa muumin-nimo
Tu qudha iyo waa nafaha
Allaha weyni isku tolay
Waxaynu ku kala tagniyo
Turxaanta dhexdeena taal
Ayaa tuurtuuristiyo
Takoor iyo dhalla qabiil
Intaan takar iyo qaniin
Tif iyo qodax layska jarin
Toddoba loo kala baxiyo
Tumaatidu waa sidii
Digtaytaradii ma tegin
Tuutihii uun buu la baxay
Idaacaddo tororogliyo
Been buu soo tebinayaa
Taawilo iyo sixile iyo
Tabtii weeyaan Firqoon
Takhtakhu waa bello ku naax
Jidkaa tooska ah ma maro
Jiryoo qadarka Alle diid
Ku taam boqortooyo iyo
Taxaabe aduun la dhaco
Kufriga toddobaatan jiray
Haddana towbadi u furan
Wakhtigu tooruu hayaa
Intaan wadku idinla tegin
Ta Alle isxasuusiyoo
Tallooy nimba tacabkii iyo
Wuxuu kaa taartay maal
Alla Mahad leh
Abwaan Cali Haybe Cige
Hargeysa/Somaliland
Bandhige@gmail.com