Siyaasadda Dilalka Qorshaysan Natiijadeedu waxay Noqon doonaan Suntii ay ku dhiman Lahayd ISreal. W/Q:(Cabdilaahi Beershiya)

Cabdilaahi Beershiya
Tan iyo markii dowladda Isreal ay aasaasantay waxay tiir ka mid ah tiirarka ay ku jirto noday siyaasadda dilalka qorsheysan ee ay ku beegsanayso hoggaamiyaasha ururada xornimo-doonka ah ee reer Falastiin.
Dilkii ugu horeeyey ee qorshaysnaa waxa ay fulisay sannadkii 1956 kii markii ay dishay sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Masar oo la odhan jirey Mastafa Xaafid iyo nin kale oo ay ku eedaysay inay taageereen naftood horayaal reer Falastiin ah.
Dilalkan waxa ay u adeegsataa noocyada kala duwan ee hubka oo ka bilaabma baastooladaha aan shanqadha lahayn ilaa waxa ay gaadhaan sawaariikh lagu burburiyo dhismayaasha ay ku jiraan cidda ay beegsanaysaa, taas oo ay door wayn ka ciyaarto heyโ€™adda sirdoonka Israaโ€™iil ee Mosaad loo yaqaan, iyada oo waqti badan iyo xeelad kasta gelisa siddii loo ugaadhsan lahaa ragga waaweyn amma cid kasta oo lug ku leh wax dalkooda lagaga soo horjeedo.
Sida uu qoray Website-ka Aljazeera isaga oo soo xiganaya cilmi-baadhis laga sameeyey hawlgallada noocan ah ee ay fulisay Isreal intii u dhaxaysay sannadkii 2000 ilaa 2007-dii waxa uu ku tilmaamay inay dhan yihiin 134 hawlgal oo lagu dilay 367 qof.
Ujjeedooyinka ugu waaweyn ee ka dambeeya inay hawlgallada noocan ah fulisana waxa ay warbixntaasi ku sheegtay inay tahay in dadka cadawga u ah ay u sheegto in gacanteedu xudduudaha ka tallaabsan tahay oo aan meelna lagaga dhuuman karin, sidoo kale waxay kor u qaadaysaa niyada dadka Yuhuuda ah oo ku seexanaya in la dowladdoodu ay ugaadhsanayso cadawgooda, isla markaana ay niyada kaga jabiso ururada Falastiin iyo dadka taageersan ee dagaalka kula jira mar haddii la beegsanayo madaxdoodii.
Sida ay sheegaan khubarada istiraatiijiyadaha dagaalka wax ka qoraa tan iyo maalintii ay hawlgalladan bilawday wax natiijo ah kamay gaadhin ee waxa ku sii labanlaabmay dagaalo aan dhammaad lahayn oo kooxadaha Falastiiniyiintu wadaan kuwaas oo aan marna hoos u dhicin tan iyo markii ay dil qorshaysan ku fulisay Yaxya Cayaash oo ahaa madaxdii ugu saraysay Garabka Hubaysan ee Xamaas sannadkii 1996-kii oo ay rajaynaysay Israaโ€™iil inay wiiqi doonto xoogaga Xamaas kaas oo lagu qarxiyey telefoonkiisa gacanta.
Soddonkii sano ee la soo dhaafay dilalka qorshaysan ee lala beegsaday biyo culusta Xamaas waxa ka mid ah tobankan hoggaamiye oo aan kala dhicin, Ismaaciil Haniya oo la dilay xalay 2024, ku xigeenkiisii Salax Al-Caaruuri oo la dilay January 2024, Ayman Noofal, Jamiila Shindii, Raaโ€™id Cudaar, Axmed Al Jacbari, Nazaar Rayaan, Cabdicasiis Rantiisi,Sheekh Axmed Yasin, Salaax shaxaada.
Inkasta oo aanay hadda dowladda Yuhuudu u joojin xeerarka caalamiga ah haddana tallaaboooyinka noocan oo kale ah waxa lagu tilmaamaa inay yihiin fulaynimo ka dib markii lagu guulaysan waayey dagaalka ka socda garoonka oo ay si faashil ah u miciinsatay dilal qorsheysan oo tiro badan.
Arrintani mustaqbal ahaan waxa ay wajiga ka sii xumaysnaysaa siyaasadda ay Yuhuudu kula dhaqmi doonto adduunka intiisa kale maadaama ay falalkeedani si badheedh ah uga soo horjeedaan xeerarkii caalamiga ah ee la dhigtay.
Waxa arrimaha noocan oo kale ah dambi in la iskula xisaabtamo u yaqaana Heshiiska Jineefa ee Afraad ee la sexeexay sannadkii 1949-kii, Baaqii Xuquuqal Insaanka ee la sexeexay 1948-kii, Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasada oo la sexeexay 1966-kii, Heshiiska Hague ee Afraad ee Qawaaniinta iyo Curfiga dagaalka Barriga oo la saxeexay 1907-kii.
Dhammaan heshiisyadan Israaโ€™iil si badheedh ah ayey ugu xadgudbtay waxaana garab ku siinaya wadamada ugu waaweyn adduunka, taas oo ka dhigtay dowlad aanu xeerarka caalamiga ahi qaban, waxase war wanaagsan ah in mar aan maanta ahayn la iskula xisaabtami doono dambiyada dagaalka ee ay gashay yuhuudu, ifafaalaha arrintaasina waxa muujinaya in dadweynaha ku dhaqan wadamada taageersan Israaโ€™iil ay si cadaan ah uga soo horjeedsadeen waxa ay ciidamada Yuhuudu ka wadaan magaalada Qaza.
Bandhige@gmail.com