Tiir ka mid ah Tiirarkii Ugu cuslaa ee ay Yuhuudu ka dishay Xamaas.. W/Q:(Cabdilaahi Beershiya )

Cabdilaahi Beershiya
Cabdilaahi Beershiya
Mazin Fuqaha waxa u ahaa hoggaamiye dilkiisa ay ku faraxday Israa’iil, dhinaca Xamaasna ay dhib weyni soo gaadhay, wuxuu ahaa mid ka mid ah raggii seeska u dhigay dagaalka sirdoonka ee xoogan ee ka dhexeeya Xamaas iyo Yuhuuda.
Tan iyo yaraantiisii wuxuu ka tirsanaa garabka hubeysan ee Xamaas, waxa xabsi daayin ku xukunktay dowladda Israa’iil, wuxuuse nasiib u helay inuu ku soo baxo heshiiskii askarigii Yuhuudiga ahaa ee loo yaqaanay Shalid ee sannadkii 2011-kii, ururka Xamaas uu ku bedeshay dad badan oo maxaabiis ah oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaha Xamaas ee Yaxya Sinwaaroo tiradoodu kor u dhaafayso 1000 qof.
Wuxuu ururka Ikhwaanul Musliim ka ku biiray isaga oo yar, waxaanu ahaa dadka ehlul Masaajidka ah ee yaraantiisii xifdiyey Qur’aanka, da’diisa oo aad u yar ayuu ku biirey garabka hubaysan ee Xamaas ee loo yaqaan Cizadiin Qazaam, dhinaca Israaiilna waxay u yaqaaneen ninka qorsheeya dagaalo badan oo dhib soo gaadhsiiyey Yuhuuda, sidoo kale waxay ogaadeen inuu udub dhexaad u yahay sirdoonka Xamaas, halkaas oo ay ku dareen liiska ragga bar tilmaameedka u ah.
Dhinaca hadalka iyo aftahamada waxa uu meteli jirey Ismaaciil Haniya, waxaanu ku suntanaa hal adaygnimo iyo dhiiranaan, ugu dambeyn waxa la toogtay isaga oo gurigiisa hor taagan bishii March sannadkii 2017-kii, ururka Xamaasna wuxuu ku eedeeyey inay dowlada Israa’iil ay dilkaasi fulisay.
gebogebadii tan markii uu ka soo baxay jeelasha Yuhuuda waxa uu si layaab leh uga sheqeeya qaybaha sirdoonka ee urruka Xamaas iyo in la tirtiro wax kasta oo sirdoonka Yuhuudu ugu soo dhuuman karo xog ka helida madaxda Xamaas, taas oo waji gabax ku riday sirdoonka Mosaad kadib markii ay wax xog ahba ka waayeen ragga waaweyn ee ku ee nool gudaha Falastiin ee ka tirsan Xamaas.
Bandhige@gmail.com