Wareegto Madaxweyne.ย 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222010/122024 uu ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoddobka 20aad iyo 49aad ee Xeerka Ciidanka Qaranka ee Xeer Lr.105/2023;ย  ย  ย  ย  ย Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranku u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo masโ€™uuliyadda ka dhalanaysa xilkan

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan goโ€™aamiyey;

In Ismaaciil Aadan Cismaan Al-Hashimi (Ismaaciil Yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.

 

ALLAA MAHAD LEHย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย _____________________________

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland